Kn:Wargayska Xog-ogaal ee xamaar kasoo baxa ayaa 16 sano ka hor ayuu qoray sheekadan.
Markuu Dalku kufay ee dadkuna u tafa xayteen boobka iyo biliqada wixii ka haray maamul xumadii sababtay inuu dalku turun turoodo afkana dhulka la galo, Nin oday ahoo ka yimid miyiga ayay la noqotay inuu xirfad uu ku shaqaysto helo wuxuu goostay inuu wax sheegto, Kornayl Ciidankii Xoogga ayuu is tusay laakiin wax yar kadib ayuu garaw saday inuusan aqoon sida salaam askareedka loo bixiyo loona qaato, wuxuu meer meeraba waxay uga dhamaatay Ditoor caafimaad wuxuuna daawoyin ku saftay qol ku yaalla wadooyinka xamar mid kamid ah.
War-gaysku wuxuu u bixiyay Diktoor Faalso, wuxuu haystaa shaybaar wuxuuna ku shaqeeyaa laba qaacido oo kala ah 1 hadii uu qof lab ah u yimaado wuxuu u sheegaa in uu ka helay Jabto haddiise ay dhadig tahay (dumar ) wuxu ku sheegaa uur 3 bilood ah, marwo iyo gabar guudka firanaysa, maalin ayaa waxay islaan u keentay gabar 4 bilood jirta oo dhabarka lagu sido kaadidii uu ka qaaday ayuu ka soo saaray Uur 5 Bilood ah!!
Hooyadii ilmaha dhashay oo Dhaka faarsan ayaa tiri ”Ditoore gabartayda 3 bil lee jirtaaye see camal ” intuu ookiyaalihii iska dhiftay ayuu yiri ”aniga ma sheegin ee cilmigaa sheegay” islaantii oo yaaban ayaa meeshii ka baxday odaygeedii ayay la qaybsatay yaabkii, waxayna noqotay dhamaadka baaritaankii Ditoorka.
Maalmahan waxaa suuq yeeshay Oday dhaqameed laakiin gacan ku samayska la iska sheegto ayaa nasiibkiisu ka badan yahay kan dhabta ah sababtu odayga dhabta ay dadkiisu u caleema saareen xishood iyo wuxuu xanbaar san yahay beel dhan laakiin midka gacan ku rimiska ah waxba kama xaaraan aha oo dhawr malahayga marfash ku jira ayuu marqaanku tusay ama qab qable.
Gobalka Gedo wuxuu qaatay nasiibka ugu badan waxaa kasoo baxay ”Garaad” is boqray sida Ditoor Faalso iyo ”Ugaas” adeerkiis waliba ka wayn ka xishoon waayay waxayna maciin sadeen Qalin ku dhiig-layaal adduun raacay, Jubbooyinka wali faanoole fari kama qoda, Sool iyo Sanaag laba wada dhalatay ayaa isku haysta kaaga sii darane mid hargaysa ayuu fadhiistay midna Taleex iyo Tolkiis ayuu u batay gadaalkiina Xamarti waynayd waxaase hubaal ah inay beentu dhamaad leedahay.
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com