Kn: Gees ilaa gees waxaa soomaaliya ka socda Siyaasadda kala durkinta shacabka iyo afuufida beenta, waxaa maalin walba sii kala durkaya waa Somali waxaana kala fogeeya dan yar oo uu leeyahay Siyaasi ama dan ay leeyihiin shisheeye sheikh ama Siyaasi ayaase fuliya.
Koox kasta waxay dadaal ugu jirtaa inay riddo kuwa ay aragtida ku kala duwan yihiin xaq iyo xaq-daraba, dabar goynta kuwa ay isku hayaan aragtida Islaamiyiin ama Cilmaaniyiin waxay doonaanba .
Xamar waxaa seedaha is jaraya inta ku wada jirta xukunka Amisom iyo Afrikaanka ka adeegta dhulka Somaliya siday doonaana ka yeella , qiime kasta ha ugu kacdo waxay diyaar u yihiin duminta iyo dibin daabyaynta midba midka kale , salaan aan niyad ahay ayaa la isku taxayaa iyadoo uurku holcayo , waxaa loo kala dhuuntaa Sarjan-tayaasha hogaamiya Askarta sida dhabta ah u xukunta Somalia ee Afrika nalooga soo daabulay.
Markuu fircoon sheegtay Ilaah inuu yahay Nabi Muuse iyo Haaruun waxaa la faray inay hadal jilicsan kula hadlaan una danbciyaan waxaa laga yaabaa inuu Hanuunka qaato, Ilaahay wuu ogaa inuu Fircoon uu Tawba keeni doono mar aan wax laga qorayn waa marka Baddu laqdo laakiin waxaa Aadanaha lagu barayaa inaysan kali talisnamadu khasaare moogiye aysan khayr keenayn .
Xagaagii 2005 kii ayaa waxaa saf dheer ku jiray dad hor dhoobnaa xafiiska bangi Boosaabo ku yaalla waxaa ka mid ahaa dadkaas Genaral Somalia aad looga yaqaano iyo wiil laga soo dhaqan celiyay Sweden , markuu qof kasta soo qaatay wixii saamii u helay ayaa wiilkii dhaqan celiska ahaa ay hooyadiis gacata soo qabatay suuqa khudaarta ayay soo marisay xoogaa ayay ku dhex meer meerisay iyadoo wax sugaysa, waxaa u muuqday qolada dawladda hoose u aruurisa canshuuraha waxayna Islaamihii Yaanyada iibinayay ka aruuriyeen lacago aysan awoodin laakiin qasab ku tahay bixinteeda , Hooyadii ayaa wiilkeedii ku tiri lacagta aad wadato waa midda laga guro islaamahan dhididku ka qul qulayo , Wiilkii yaraa ayaa inta ooyay lacagtii dhulka ku tuuray maantaa wixii ka danbeeyay Salaadaha iskuma daro dibna wuxuu u noqday asagoo dadka ugu yeera wanaaga dulmigana kaga sheekeeya .
Hargaysa Rag baa ka dhistay aqalo raaxo canshuurta laga aruuriyo islaamaha tabarta daran qaarna deeqaha danyarta loo soo dawarsado ayay leexsadeen gadaalkiina xukun adag ayay ka dhaxleen, Xamartii Waynayd waxaa lagu mushaaxaa maalka xaaraanta ah ee maatida la sawiro ay dadka dunida ayagoo qaarkood ilmaynaya ay bixiyaan, Turkidu markay diideen inay lacag bixiyaan oo ay yiraahdeen dadka dhiban noo geeya anagaa quudin oo daawayn walibana barayna ubadka tacliin ay kaga waynaadaan baryada, durba waxaa afka kala taagay Maafiyadii maalmo gaaban ku taajirtay.
Xoolo xaaraan ah haddii aad ku Xajisid danbi kaa dhaqmi maayo , ogoow eeyguba markuu biyaha dhex galo ayuu ugu najaaso badan yahaye
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Xog-ogaal , Muqdisho