Kn: Aduunka waxaa astaan caalami nabadda u ah shimbir cad, Soomaaliya oo ay nabadda ka maqneyd labaatan sanno astaanta kaliya ee nabad loo turjuman karo waxa ay ahayd sawirka shimbirtaasi oo darbiyadda caasimadda qaarkood ku sawirneyd.
Shimbir nabad keeno weysey, keenina meeyso, wadamaddii reer Galbeedke ee nagu yiri Shimbirbaa nabad keentane waa ku fashilmeen in Soomaaliya nabad laga dhaliyo.
Dowladda Turkiga oo amaan badan ku muteysatay gacanta ay siisey Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto nabad kusoo celinta Soomaaliya ayaa wixii ugu horeeyey ee ay samaysey ahayd in la dilo shimbirta laf ahaanteed.
Sanadkii hore markii Ra’isulwasaaraha Turkiga Rajeb Tayip Ordogan uu yimid Soomaaliya isaga iyo qoyskiisa, iyo golihiisa wasiirada oo qoysaskooda watta waxa dhacday in dayuuraddii ay saarnaayeen ay jiirtey shimbir hawada Soomaaliya buubeysay.
Shimbirta ayaa gashay mid ka mid ah matoorada dayuuradda, taasina waxa ay keentey in dayuuradda ay gilgilato, dadkii saarnaana ay naftooda u cabsadaan. Nasiib wanaag waxbo ma aysan noqonin, dayuuradana waxa ay ku degtey badqab.
Dublamaasi sare oo ka tirsan Turkiga oo dhawaan la kulmey dad Soomaali ah ayaa sheegey in Turkiga ay nabada raadinteeda u marayaan in ay soo celiyaan adeegyaddii asaasiga ahaa, islamarkaasina dadka Soomaaliya ka saaraan gaajada iyo faqiirnimada, taasoo uu sheegey in ay tahay sababta ugu weyn ee ay dadka isu dagaalayaan.
Shirkii dhawaan ee Istanbul waxa uu muujiyey rajo wanaagsan oo ay Soomaaliya leedahay, kaliya ma ahan in Turkiga uu dhaqaale siinayo Soomaaliya, ee sidoo kale waxa uu usoo dirayaa ciidamo qaabab kala duwan dalka ku imanaya si nabadda Soomaaliya ay salka ugu dhigaan.
KismaayoNews.com