Labbo bilood kadib, Abwaan Gaashaan oo daweyn dibada loogu qaaday

Published: June 8, 2012

Kn: Kadib eedeymo kusoo baxay warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo ku saabsanaa in la gacanbidxeeyey Abwaan Axmed Cabdi Gaashaan oo ka mid ahaa dadkii ku waxyeeloobey qarixii tiyaatarka Qaran ayaa maanta dalka dibadiisa daweyn loogu qaaday.

Abwaanka oo sida sawirka ka muuqata si xun jirkiisa uu ugu gubtay ayaa la sheegey in DKMG ah aysan siinin daryeelkii uu mudnaa, iyadoo dadkii kale ee la dhaawacmay ay heleen daryeel caafimaad oo dibada ah. Eedeyntaasi oo ay dowladda beenisey.

Haatan urur haweeney Soomaaliyeed ay madax ka tahay oo ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa u dalkaasi oga heley kaalmo dawo, iyadoo maanta abwaanka laga qaaday Xamar si Talyaaniga loogu sameeyo daweyn casri ah.

Abwaanka oo fanka kaga jirey qeybta laxanka ayaa u mahadceliyey ururka, dowladda talyaaniga iyo dowladda Soomaaliya oo u fududeeysay arrintani.

4tii April, 2011 ayay ahayd markii qof dhedeg ah oo walxaha qarxa soo hirtey uu naftiisa ku halaagay Masraxa Qaranka oo ay ka socotey xaflad lagu maamuusayay taleefishinka qaranka, halkaasina waxaa ku naf waayay dad badan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar
Weerarkii hey’adda Qaramada Midoobey ee UNDP iyo Amniga Qaranka
Daawo barnaamij ku saabsan kaalinta qurbajoogta ee gargaarka Jubbooyinka
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey