Markaan Maslax iyo Morgan Doorano !!!

Published: June 8, 2012

Kn: ”Prof” Cali Maxamed Geedi waxaa loo dhaariyay Madaxii wasiirada dalka Somalia durbadiiba wuxuu marti galiyay kumanaan ciidanka itoobiya si ay xasuuq uga gaystaa gobolada koonfureed ee dalka waxaana ku naf waayay kumanaan shacab ah, waxaa ku bur buray xamar gabi ahaanteed, waxaa sidii musqul loo isticmaalay masaajid kittaabka quraankana waa lagu tir tiray si kasta ayaa loogu xad gubay Somalia xiligii geeddi iyo galbikiisii geerida, haatana wuxuu u taagan yahay Madax-wayne!!

Maxamed S. Morgan Markuu ahaa Wasiirka difaaca Soomaali guud ahaan wuxuu cadaw ka dhigay qayb dalka, wuxuuna ku xukumay dil iyo dacaskooda oo lala wareego wixii kale oo dhib dheeraad ah oo la gaarsiin karo waa baneeyay halaag aan loo kala harin yar iyo wayna saameeyay wuxuuna gaaray darajada (Kawaanle Dad) ku dhawaad 60,000 (lixdan kun) oo dadkii inuu difaaco loo dhaariyay ah ayuu god ku shubay aakhrina u xaadiriyay ogaanta Macalinkiisa Maslax oo maanta u ordaya markale madax somali .

Gadaalkii markii qabiilkii ay bilaabeen mirihiisii la bilaabay in la gurto wuxuu madax u noqday Jiray(Mooryaan) ay wada hogaaminayeen Macalinkiisa Geerida Maslax M. Siyaad ka dagaalami jirtay gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, dil dhac iyo dabar jarid shucuub dhan, dhiiguu daadiyay ayaa wali qoyan , hadana wuxuu ku nastaa Hotelada Nairobi ugu qaalisan waxaana lagu casuumaa xafladaha madaxda maqaar saarka soo dhawaynta iyo sagootinta looga dhigo .
Markay tooda gaarto madax ku dhiig layaasha Somalia asaageed ka reebay waxay mutaan darajo tan ugu saraysa, heer Qaran ayaa loo galbiyaa maalmahooda harayna waxaa laga tala galiyaa tala kasta oo la doonayo in lagu wiiqo jiritaanta shacabka ayadoo lagu hadaaqayo hal kudhig-yo been ah , hadaba miyaysan ahayn wax laga xumaado kuwii na dulleeyay inay wali u ooman yihiin dullaynta Soomaaliya , Maslax iyo Morgan ,Geddi iyo Sakiin , Sharif iyo Qaasin , Gallayr iyo Gaas, Farmajo iyo Sharmake,Madoobe iyo mahiigahooduba ha dhaafeen,
Waxay na dhaxalsiiyeen Qaran Jab Qabiil iyo Qaybin, Quurisi iyo Qoqob,Gumaad iyo Guri-ba’ay,balaayoo dhan ayaga iyo in kaloo badan , ama ditroor ahoow ama garbuhu ha kuu casaadeen haddii aadan lahayn damiir dadkaaga ka naxa dullinimo iyo dunida ood ceeb kaga tagtaa kuu taalla.

Muuqaaladaas foosha xun ayaa haatan u muuqda kuwa sii galbanaya loona gudbayo xili ay aqoonta iyo akhlaaqdu shaqayso , Aqoon aan akhlaaq wada waxaa ka wanaagsan aqoon la’aan akhlaaq leh, hadduu damiir wax gartaa jiro marna masoo hunguriyeeyeen xukun ay qabtaan iska daaye inay shacabka Somali oo dhaawicii ay gaysteen uu muuqdo waxaa ku habon inay dhuuntaan inta waaran loo jarayo lagu soo xiro lagu dhaxlo hantiday xadeen ,
”Qof kasta oo kuu qosla ma ahan saaxiibkaa”

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Xog-ogaal, Muqdisho


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta