Kn: Shirweynihii 11 aad ee loogaga hadlayo arrimaha Geeska Afrika ayaa maanta ka furmey magaalada Lund ee dalka Sweden, waxaana shirka ka qeybgalayaa mas’uuliyiin sarsare oo uu ka midyahay Augustina Mahida iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo tiro badan.
Shirka oo ah mid sanadle ah, loogagana hadlo arrimaha xasiloonida geeska Afrika iyo siyaasadda dhaqandhaqaale, ayaa sanadkani waxa uu moowduucu yahay xasiloonida iyo nabadda geeska Afrika.
Waxaa ka qeybgalaya ergooyin ka socda lix dal oo geeska Afrika ku yaala, gaar ahaan kuwa shaqaaqooyinka iyo dagaalada ku jirey tobonaankii sanno ee lasoo dhaafay.
Sida uu shabakada KismaayoNews qadka taleefoonka ugu sheegey Liibaan Weheliye oo ah isu duwaha machadka shirkani qabanaya ee SIRC, waxa uu shirkanu soo taxnaa muddo 11 sanno ah, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo duwdo dareenka caalamka iyo dowladda Sweden sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha Geeska Afrika, waxa uu shirka madasha keenayaa faham dhab ah oo laga qaato sida ay wax u dhacayaan, kadibna taasi ay gacan ka geeysato waxqabashada mashaakilaadka jirra.
Iyadoo ay shirka goobjoog ka yihiin warbaahinta Soomaaliya qaarkeed, ayay KismaayoNews si gaar ah idiinkugu soo gudbineysa waraysi aan la yeelanay qabanqaabiyeyaasha shirka.
KismaayoNews.com