Kn: Soomaalida waxay tiraahdaa “Aabaheeybaa geel lahaan jirey, anigaa digaag leh ayaa ka fiican”, waxayna u egtahay in maahmaahdani ay waafaqsantahay abaalmarinta ay Shabaabka dul dhigeen madaxweynaha Maraykanka iyo Xoghayihiisa arrimaha dibadda.
Iyadoo aanan la ogeyn in ay ka tahay tabar yari oo aysan doonin inay qaadaan balanqaad aysan kasoo bixi karin, in ay yas iyo jees-jees ka tahay iyo inay uga jeedaan qof kasta wuxuu heli karo ayuu bixiyaa, ayuu Fu’aad Maxamed Shongole oo ka tirsan madaxda Alshabaab waxa uu bixiyey balanqaad ah in Alshabaab ay 10 neef geel ah siin doonto qofkii soo dila madaxweynaha Maraykanka Brack Obama, halka 10 digaag iyo 10 diiq ay siin doonaan qofkii keena macluumaad la xiriira Hallary Clinton.
Arrintani ayaa waxa ay oga jawaabayeen lacag abaalmarin ah oo gaareysa $33 malyuun oo doolar oo wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka ay sheegtay inay siineyso qofkii keenta macluumaad ku saabsan meesha ay joogaan 7 ka mid ah madaxda Alshabaab oo Fu’aad Shongole ka midyahay, walow ayna wali dhicin balanqaad uu Maraykanku sameeyay oo u fulay sidii ay u qaadeen.
Balanqaadkani Shabaabka ee geela iyo digaagta ayaa ah maadda ugu weyn ee Maraykanka taala.
KismaayoNews.com