Kn: Warar aan ka heleyno xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaya in cabasho rasmi ah loo gudbiyey maamulka Somaliland kadib markii wasiir cukuumadda ka tirsan lagu xirey garoonka Berbera, islamarkaasina lagu waxyeeleeyey halkaasi.
Wasiir ku xigeenka cirka iyo dhulka iyo dekadaha oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Kulmiye ayaa lagu xirey garoonka Berbera xili ay halkaasi lasoo martay dayuuradda African Express oo uu la socday taasoo Xamar usoo socotey.
Arrintani oo aanan la ogeyn dhaawaca ay ku keeni doonto wadahadalada heerka koowaad maraya ee u dhaxeeya DKMG ah iyo Somaliland ayaa sidoo kale saameyn doonta mas’uuliyiinta Somaliland oo iyagu si joogta u maray garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ee caasimadda dalka.
Shirkadda African Express ayaa iyana laga yaabaa in dhacdadani darteed ay ganaac ugu muteysato maadaamaa mas’uul qaran ay naftiisa halis galisay, iyadoo wasiirka ku qancisey in aanan waxbo loo dhimeynin haddii Berbera ay dayuuradda sii marto.
Laakiin warar kale oo aan helney ayaa iyaguna sheegaya in wasiirka uu laftiisa isku dayay in eeg eego garoonka, islamarkaasina la sheekeysto dadkii halkaasi joogey, kadibna ogaado shaqada garoonka Berbera oo qaanuun ahaan ay shaqadiisa tahay wasaaradda uu ka tirsanyahay. Taasi ayaa laga yaabaa in ay ka xanaajisey mas’uuliyiinta garoonka Somaliland, balse warkani ma ahan mid wali la xaqiijiyey.
KismaayoNews.com