Ethiopian Airlines oo Soomaaliya kula hardamaysa Turkish Airlines

Published: June 9, 2012

Kn: Mid ka mid ah garoomada ugu dariiqa dheer ee Afrika oo ku yaala Berbera ayaa todobaadkani waxa ka cagodhigeynaysa dayuuradda Ethiopian Airlines oo ka mid ah dayuuradaha caalamka u kala goosha.

Ethiopian Airlines oo ahayd tan kaliya ee si toos ah isugu xiri jirtey Somaliland iyo aduunka intiisa kale ayaa duulimaadyadeeda joojisey sanaddii 2008dii sababo amaan dartood, waxayna markaasi tagi jirtey magaalada Hargeysa.

Haatan waxaa jirey heshiis Ethiopia iyo maamulka Somaliland dhexmaray oo ku saabsanaa in duulimaadka uu Hargeysa iyana tago, balse taasi dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii sida la sheegey ay hawlo dhismo ka socdaan madaarka Hargeysa.

Waxayna u egtahay in Ethiopian Airlines ay Berbera ka doorbideyso Hargeysa, sababtuna tahay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Ethiopia la leedahay Somaliland iyo dekada Berbera oo ay badeecooyin kasoo degaan, sabab kale ayaa ah garoonka Berbera oo uu Maraykanka dhisey xiligii dowladdii Siyaad Barre oo ah mid heerkiisa wanaagsanyahay, dibna dayactir loogu sameeyey.

Waxaa iyana jira suuq ay Ethiopian Airlines dooneyso in ay ka faa’iideysato oo ah qurba-joogta gobolada Somaliland kasoo jeeda ee aduunka meelo kala duwan ku nool, kuwaasoo had iyo jeer safaro ku taga Somaliland.

Balse arrinta ugu muhiimsan ee soo dadajisey duulimaadyada Ethiopian ee Somaliland ayaa ah duulimaadyada shirkadda Turkish Airlines ee Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, taasoo muujisey in Soomaaliya uu ka jiro suuq macaashbadan oo aanan sinaba loo dayici karin.

Duulimaadyada isku xiraya Soomaaliya iyo aduunka intiisa kale waa kuwa muhiimad weyn ganacsiga Soomaaliya ay aduunka intiisa kale la leedahay oo sii kordhaya.

Gaar ahaan Ethiopia oo ay ku noolyihiin boqol kun oo malyan oo qof, islamarkaasina aan bad iyo deked lahayn ayaa ah dal door weyn ka ciyaari kara kobaca ganacsiga Soomaaliya.

Turkish Airlines waxa ay Xamar tagtaa labbo jee todobaadkii, halka Ethiopian Airlines ay Berbera tagayso maalin kasta, waxayna saadaashu sheegeysa in Kenyan Airways iyana kusoo biiri karto suuqa, balse waxa ay arrintani war xun u tahay shirkadda Duulimaadyada Soomaaliya sida Daallo Airlines iyo Jubba Airways oo mar lagu eedeeyey in ay culeys ku hayaan Turkish Airlines.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa