Maraykanka safaarada maka furanayaa Soomaaliya?

Published: June 10, 2012

Kn: Su’aashaasi waxaa la weeydiiyey kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsan Afrika Johnie Carson oo maanta booqasho uusan garoonka Aadan Cadde kaga bixin ugu tagay magaalada Xamar.

Waxa uu kaga jawaabay in wali Maraykanka ay darsayaan xaaladda nabadgalyo, marka ay ku qancaana go’aanka safaarad furashada shaacin doonaan.

Sidaasi oo ay tahay waxa uu amaanay hormarka laga gaaray xagga amaanka gudaha Soomaaliya, isagoo amaanta inteeda badan siiyey ciidamada AMISOM.

Waxa uu xerada Xalane ee garoonka ku dhegen kula kulmey madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha, wasiirka gaashaandhiga iyo wasiirka arrimaha dibada, isagoo kala hadlay arrimo ay Maraykanka ka danaynayaan Soomaaliya.

Carson waa mas’uulkii ugu sareeyey oo Maraykanka ka socda oo Soomaaliya taga muddo dheer, waxaana safarkiisa ku wehlinayay safiirka dibad-joogga ah ee Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baught. Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa inta badan ka wada socda arrimaha Soomaaliya, waloow ay isku maandhaafeen shirkii London ee Feberaayo.

Socdaalka Carson ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmey xilli dowladda Maraykanka ay dhawaan sheegtey in abaalmarin lacageed oo malaayiin doolar dhan ay siineyso ninkii soo sheega 7 ka mid ah madaxda Alshabaab oo uu ka midyahay ninkii asaasay, haatanna madaxda ka ah.Arrintani ayay xusid mudantahay in ay ka mid ahayd arrimaha lagaga wadahadlay shirkii dhacay.

Mas’uulkani Maraykanka ka socda ayaa dhanka kale sheegey in cunaqabatayo dad uu ku tilmaamay qaswadayaal oo ragaadinayana geedi socodka nabadda.

Wadamo uu Turkiga ugu horeeyo ayaa safaaraddo ku leh Soomaaliya, balse wali Maraykanka sidaasi ma uusan yeelin.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia