Kn: Caruurtaadu waxay subax walba aadaan Iskool adigoo ku faraxsan ama uurka ka gubanaya , waxay dhigtaanba waxaa Bare (Macalim) u ah Islaan islaankale kasoo agtoostay ama nin mid kale u dhaxa !! waxaa subax walba loo sheegaa caruurtaada inay xorimo heerka ugu saraysa haystaan oo xitaa hadduu taqsi (Tixsi) sanka kaga istaago ay soo sheegaan si looga qaado tallaabo sharci ah !.
Maalin kasta oo Jimce ah waxaad aadaa Masaajid inta uu sheekhu aakhiro iy amuureheeda , awoodaha ilaahay iyo awaamirtiisa , surinka toosan iyo suubanaha sunadiisa kuu sharaxayo caruurtaada waxaa loo sharaxayaa in wax ilaahay la yiraahdo uusan jirin , janada iyo naarta la sheegayana ay hadal uun tahay !! qaarba waxaa dhagaha loogu shubaa been laga abuuray Nabi Ciise iyo Maryama gabadhii Cimraan .
Waxaa la siiyaa casharo dhiiri galinaya gogol dhaafka iyo wax looga dhigayo nolosha qarsoon ee ka maqan xiise dheeraad ahna waa loogu sameeyaa , waxaa si gaara gabdhaha loo baraa 3 da jid ee ay ugu yeereen go’aamada hagaagsan , mar ka hore waxaa loo sheegaa inay ku dadaalaan inay adeeg sadaan waxyaabaha ka ilaaliya uurka , hadii ay dhacdo inay dhibco sun ah gabadha ku tagaan waxaa loo sheegay inay macalimada si gooni ah ugu sheegto arinuna waxay ahaanaysaa Qarsoodi.
Talooyinka la siinayo waa 3 kala ah 1 in laga xaaqo iyadoon cidina ogaanin , 2 inay haysan karo oo waliba si deg deg ah loo dajinayo meel u gaar ah garaamana lagu siinayo garaca gurigoodii ay kala baqday, 3 inay siddo ilaa uu dibada ka yimaado kadibna waxaa lagu wareejin doonaa u adeegayaasha Bulshada, wiilashu waxay helaan duruus dheeraad ah kuna saabsan dhaqan xumoo dhan .
Gabar Somali ah ayaa u tagtay Dr caafimaad waxay ka sheegatay xanuun badan oo xagga madaxa ah , waxaa loo sheegay in xanuunkaas ayay sababtiisu tahay marada culus ee ay xirantahay (Xijaabka) waxaa kaloo loo sheegay inay khatar ugu jirto cuduro kale haddii aysan Jirkeeda u dhigin Qoraxda (Is-qaawi) ma caafimaadbaa taladu mise waa ciqaab lala doonayo gabadhaas raacday wuxuu eebbe faray ?
Fandhaal yar ayaan idiin daray wabi dareeraya oo dhibaatooyin ah, guud ahaan Somalida Qurbaha iyo qaar badanoo dhulka Carabta Casiir silloon iyo sigaar Haan ku rakiban oo tuubo lagu dhuuqo ku baloobay , ku darso Nairobi iyo Adis warka laga sheegayo aayo malahan ubadkeenee aakhiro ma iska aadnaa ?
Inta Somali dibadaha ku diin beeshay inta darbiyada dhooban inta daaraha carabta ku dulman inta dayrarka waawayn lagu ooday afrika inta ubad iyo waayeel wiil iyo gabar oday iyo islaam aan dabku u-bixin ee ku dulman dalkooda , inta diidan danta dadkaas kana dooratay dantooda gaarka ah Ilaahay ma moogee malin ayuu la sugayaa,
Allahayoow kolba joogi maynee Jidkii Nabi na qaadsii oo Jahanama ha noo-gayn Aamiin
Aadam Sheikh Xassan (Zaki)
Aadan17@yahoo.com