Kn: Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ma lahan wasaaradda dalxiiska, sababtuna waa mid sahlan, Soomaaliya ma jirto meel loo dalxiis taggo, mana lahan amaan dalxiisayaal ay kusoo dhiiran karaan, laakiin hadda waxaa jira isbadal.
Laga soo bilaabo bishii Agoosto ee sanadkii hore oo laga joogo 10 bilood, caasimadda Soomaaliya ee Xamar waxa ay ku naalooneysaa nabbad jirtey mudadii ugu badneyd ee caasimadda soo marta muddo 20 sanno ah.
Inkasta oo 10 bilood ay tahay muddo aad u yar oo aanan la isku halayn karin, hadana durba waxaa laga fikirayaa in caasimadda ay tahay meel loo dalxiis tagi karo.
Afayeenka Xukuumadda Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxa uu todobaadkani ka dhawaajiyey in laga fikirayo in la magacaabo wasiirka dalxiiska, waxa uu qabaa in Xamar ay ka amaan badantahay magaalooyinka Baqdaad iyo Kabul ee ah xarumaha dalalka Ciraaq iyo Afghanistaan.
Mid ka mid ah astaamaha uu cuskanayo Cabdiraxmaan ee nabadda ka turjumaya ayaa waxaa ugu weyn in dadka tagaya isbitaalada magaalada aysan dhibkooda ahayn dhaawac xabadeed, balse ay yihiin xanuuno kale, halka markii hore 90% dadka isbitaalada taga ay ahaayeen kuwa qaba dhaawacyo xabadeed.
KismaayoNews.com