Afmadoow: Qisada Mardaadi Xaaji Dhagax

Published: June 15, 2012

Kn: Waa muwaadhin reer Afmadoow, laguna tiriyo dadka dhimirka la’, sidaasi oo ay tahay lama sheegin cid uu af iyo adintoona wax ku yeelay, mana hadlo.

FG: Qordani waxaan kasoo xiganay shabakada www.kismaayood.com

Laakiin ninkani waxa uu leeyahay qiso cajiib ah, waxana uu ka midyahay dadka ku dhiban magaalada Afmadoow xiligii ay Shabaabka xukumayeen iyo ka horba.
Si dhab ah uma heeyno taariikhdii hore ee ninkani oo hadda la qiyaasi karo in da’diisa ay todobaatan kor u dhaaftay, laakiin halkani waxaan kusoo koobaynaa waxyaalaha uu ninkani caanka ku yahay.

Inkasta oo waali loo tiriyo hadane ma jirto cid uu u gacan qaado, sideedana maba hadlo, marka laga tago in mararka qaar uu dadka salaanta ka qaadayo.

Waxa uu wataa jawaan weyn ooculus oo uu hongod la yeesho marka uu watto, lama yaqaano waxa ku jira jawaanka laakiin wax kasta oo la siiyo, gaar ahaan raashiinka halkaasi ayuu ku ritaa, waxa uu jawaanka ku dhexwataa weel uu halmar ku wada shubto shaaha iyo biyaha uu ka helo maqaayadaha magaalada, xitaa waxa uu jawaanka ku ritaa hilib ceeyriin ah.

Waxa uu degenyahay magaalada banaankeeda halkaasi oo uu kaligiis beer ka abuurto, dadka yaqaana waxa ay ku tilmaameen nin tamarta iyo tabarta ku jirta aanan la arag isaga oo kale, intaasi oo hektir oo beer ah ayuu oodanayaa, qardeeysanayaa, kadibna beerayaa.

Dadka isaga wax siiya ee uu ogyahay in ay u gacanfuranyihiin waxa uu u keenaa xaquuqa ama sabuulka marka ay beerta u go’do, waxaase la sheegaa in guud ahaan dalagga u go’a uu isaga kaligiis cunno sida uu u xabad dubanayo marka ay xuquuqa tahay.

Waayaddii hore cidna ma aysan danayn jirin beeraha, laakiin burburkii kadib oo dadka qaarkood ay beeraha u leexdeen ayaa waxaa dhacday in dad magaalada ku nool ay beertiisa ay ka eryadaan, kadibna marka uu beer kale qardeysto halkaasi oga daba taga oo shaqo ka dhigtey.

Shabakada Kismaayood waxa ay garanaysaa magacyada labbo qof oo magaalada caan ka ah oo falkani si joogto ah ugu kici jirey, mana aysan jirin cid jac ka dhahda, waxayna arrintani qeyb ka tahay dacatiyo magaalada ka dhacay oo aanan fiiro gaar ah loo yeelan.

Dadka garanaya waxa ay sheegaan in marka uu wax karsanaya burka, bariiska, sokorta iyo gallayda uu mar kaliya digsiga ku wada qoosho oo dabka saaro.

Waxay kaloo sheegaan in habeenkii uu illaa shan shandarwo (maro-caneeco) uu ku dhex xirto beerta dhexdeeda, lamina garanayo cidda u kala seexata shanta maro kaneeco iyadoo la ogyahay in uu kaligiis yahay.

Mardaadi Xaaji Dhagax, muwaadhin miyir li’I lagu sheegey, balse aanan cidna waligiis waxbo yeelin islamarkaasina tabcanaya, halka kuwii miyirka loo tirinayay ay isaga beertiisa dhacayaan, koodee miyir qaba?

Maamulka cusub ee magaalada Afmadoow waxaa la gudboon in ay illaaliyaan xuquuqda dadka tabarta daran, ayna ka hortagaan talaabana ka qaadaan dadka caadaystey in ay isaga dhacaan, waxaana haboon in Mardaadi looga tusaale qaato tabaca beeraha oo ah wax dad badan ay ka tageen.

Dadka u damqanaya dadka tabarta daran ee maqaalkan akhristay iyaga waxaa ku haboon in ay caawiyaan Mardaadi iyagoo wixii caawin ah u marin kara gudoomiyaha degmada Afmadoow Cabdixakiim Cumar Xaaji oo laga wici karo taleefoon nambarka ah 00252618428077, Fadlan gudoomiyaha ha u wicin wax micno darro ah oo ka baxsan arrintan Mardaadi lagu caawinayo

Xigasho: Kismaayood.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia