Kn: Labbo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa lagu xukumey min 10 sanno oo xarig ah kadib markii lagu heleyin ay kufsi u geystey gabar 13 jir.
Xukunkani ayaa waxa uu ku dhacay askarta kala ah Maxamed Cabdi Cismaan Cartan iyo Cabdidaahi Axmed Cabdi oo sidoo kale lagu xukumey in ay bixiyaan xaalkii iyo xumeyntii gabadha iyo waliba wixii qarash daaweynta ku kacay.
Gabadha ayaa la sheegey in ay isku furantay hor iyo gadaal, wuxuuna noqonayaa falkii ugu xumaa oo lasoo wariyo dhawaanahan oo noociisa oo kale ah.
KismaayoNews.com