Kn: Waxaa laga yaabaa in dadka caasimadda degen intooda badan aysan faa’iido badan u lahayn leerarka laga shidey waddooyinka Xamar, sababtuna waxa ay tahay duruufaha nolosha ee labaatankii sanno ayaa ah kuwa dadka baray in habeenkii aysan guryahooda kasoo bixin.
Laakiin gudoomiye gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Xamar Maxamuud Nuur “Tarsan” isaga ujeedkiisa waa mid ka weyn faa’iidada ama isticmaalka hadda ay leerarkani u leeyihiin dadka caasimadda.
Micnaha ugu weyn ee ay leerarkani xambaarsanyihiin ayaa ah daweyn xagga cilmu nafsiga ah oo shacabka loo qabanayo.
Markii leerarka laga shidey waddooyinka qaar dad badan oo xaafadahaasi deganaa ayaa isugu soo baxay jidadka iyagoo usoo daawasho tagay leerarka, qaarkood waxa ay aamini la’aayeen waxa ay indhahooda arkayaan oo ah leer dariiq ka shidan oo ay dowlad shiday.
Waana isla ujeedkaasi kan laga leeyahay leerarka, dadka in maankooda laga gado in ay jirto rajo, suurogalna ay tahay in dowlad rasmi ah dalka ka dhalato.
Niyadjabka iyo qabjabka waa xanuunada ugu waaweyn ee saameyn kara dhimirka dadka, leerarkanina waxa ay ka midyihiin tabaha lagu daweynayo cilmu nafsiga dadka.
Layaabna ma leh in isla maamulkani uu dhawaan magaalada ka furey xarun tallobixin xagga dhimirka ah lagu siiyo dadka, loogu naseexeeyo, maankooda lagu dajiyo, laguna waaniyo, afka qalaadna waxaa lagu yiraahdaa “Trauma Counseling”.
Warbixin ay kol hore soo saartay hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayay ku sheegtey in sedexdii qof ee Soomaali ahba labbo ka mid ah ay qabaan xanuunada dhimirka wax ka mid ah, waxaana ugu wacan dagaaladda joogtada ahaa iyo waliba shacabka lagu dul dagaalamayay.
Caadi ahaan caalamka waxaa ka jira dhaqan cilmiga caafimaadka uu qabo oo ah marka ay ciidamada dagaalka kasoo noqdaan loogu sameeyo wax afka qalaad lagu yiraahdo “Post War Trauma Counseling”, waana argagaxa, naxdinta iyo dhaawaca maskaxda soo gaarta marka ay askarta dagaal galaan.
Haddii askartii markii horaba dagaalka loo carbiyey, maskaxka ahaan iyo mooraal ahaan loo diyaariyey ay ku dhici karaan xanuunadaasi xagga maanka ah, maxaad u maleeysaa shacabka lagu dul dagaalamayo maalin iyo xabeen ee carruurta iyo haweenka leh.
Leerarkii ugu dambeeyey ee laga shidey waddooyinka caasimadda waxa ay ahaayeen kuwa ku shaqeeya cadceedda, habeenkina ku shidma tamarta ay maalinkii qoraxda ka qaataan. Taasi waxa ay micnaheedu tahay in quwadda korontada aanan looba baahnayn, qarashna aanan lagu bixiney. Mar labaad waa talaabo kale oo la xiriirta daweynta cilmi nafsiga, dadkana looga dhaadhicinayo in wax kale iska dhaafe cadceeda aan la kala xigin laga dhalin karo tamar ay suurogaltahay in warshada lagu kiciyo.
FIIDSOOH
KismaayoNews.com