Kn: Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu doonayaa in dowlad dhexe ay dalka ka taliso, islamarkaasina meesha laga saaro nidaamka federaalka ee dastuurka ku jira.
Dhawaan markii la’isku qabtay dastuurka cusub qodobkii ugu weynaa ee murankii ugu xoogga badnaa dhaliyey waxa uu ahaa awoodaha dowladda dhexe, iyadoo maamulka Puntland uu ku dooday in dastuurka uu u qoranyahay sidii dastuur dowlad dhexe, kaasoo xuquuqo yar oo aad u kooban siinaya maamul goboleedyada.
Inkasta oo uusan Sheekh Shariif dooneynin in uu isku kiciyo mucaaradad adag xili wali uusan hubin in uu kursiga kusoo laabanayo, ayaa hadane ficilada uu illaa hadda muujiyey ay yihiin kuwa ka turjumaya waxa uu maanka ku hayo.
Markii Baladweyne laga qabsaday Alshabaab waxa uu magacaabay gudoomiye gobol oo isaga magacoowday maamulkiisa, waxaana illaa hadda aanan dhinacna loo dhaqaajin wax maamul goboleed ah oo uu gobolka Hiiraan yeesho.
Si la mid ah Hiiraan, gobolka Shabeelada Hoose ayuu Sheekh Shariif u magacaabay barasaab xitaa ka hor intii aanan Afgooye Alshabaab laga qabsanin, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ah barasaabka Shabeelada Hoose ayaa haatan ku sugan Afgooye, mar uu maanta hadlay waxa uu sheegey in adeegyaddii bulshada ee asaasiga ahaa lasoo celin doono.
Ciidamada dowladda waxa ay kusii dhowyihiin magaalada Balcad ee Shabeelada Dhexe, waxaana jira gudoomiye gobol oo halkaasna loo magacaabay.
Astaan kale oo muujineysa in madaxweynaha uu Federaalka diidanyahay ayaa ah shir Jabuuti ka socda oo ay ka qeybgalayaan maamulada shan degmo oo dalka ka tirsan, kuwaasoo dhamaantood ay dowladda soo magacoowdey, waxaa ka mid ah gudoomiyaha degmada Baydhabo Biikole.
Qeybaha kale ee dalka ee Shabaabka laga saaray sida Jubbooyinka ayaa iyana waxaa la hadal hayaa in madaxweynaha laga yaabo in uu usoo magacaabo maamul heer gobol ah, wuxuuna doonayaa in maamuladan uu magacaabo ay xoogeystaan ka hor inta aanan laga fariisanin dhismaha maamul goboleed.
Marka laga hadlo sida laga yeelayo maamuladda hadda shaqeeya sida Puntland oo aanan marna yeeli doonin fikradda dowlad dhexe ayaa la sheegey in sidooda ay usii jiri doonaan intii muddo ah.
KismaayoNews.com