Sawirka Axmed Madoobe oo la surtey dukaamada

Published: June 15, 2012

Kn: Hogaamiyaha ururka siyaasiga ah ee hubeysan ee Raaskaanbooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam ayaa la surtey qaar ka mid ah dukaamada magaalooyinka gacanta Alshabaab ka baxday.


Dad badan oo deegaanada Jubbada Hoose ku dhaqan ayaa Axmed Madoobe u arka halyeey oga hiiliyey cadaw aanan waxbo hambeynin oo dadkii neefta ku dhajiyey.

Magaalada Afmadoow oo ahayd meelihii ugu dambeeyey ee Shabaabka laga saaray ayaa si gaar ah Axmed Madoobe looga xushmeeyaa, kaliya ma uusan ahayn askartii ugu horeysay ee magaalada gashay balse waxa uu sidoo kale ku jirey safka hore ee dagaalka, halka wax ka badan shan madaxweyne oo sheeganaya in ay gobolka madaxweyne u yihiin aysan illaa hadda cag saarin bugcad ka tirsan gobolka.

Waraysi uu bixiyey Axmed Madoobe ayuu ku sheegey in marka gobolka laga saaro Alshabaab ay ciidamadiisa ku biiri doonaan kuwa xoogga dalka, waxana arrintani ay qeyb ka tahay heshiis meel wanaagsan maraya oo u socda Kaambooni iyo dowladda Soomaaliya.

Mustaqbalka gobolka waxa uu ka qabaa aragti ah in dadka gobolka ay shir isugu yimaadaan, kadibna aayahooda ka tashadaan, inta taasi laga gaarayana Axmed Madoobe waxa uu magaalooyinka Afmadoow, Dhoobleey, Badhaadhe, Raaskaanbooni, Buurgaabo iyo tuulooyin kale u sameeyey maamul kala heer ah oo laakiin isku mas’uuliyad wada ah.

Caadi ahaan sawirada darbiyada dukaamada lagu dhajiyo waa kuwa madaxweyneyaasha, laakiin qeybtan ka tirsan Soomaaliya oo aanan labaatan sanno madaxweyne arag iyaga waxa madaxweyne agtooda ka ah hadba hogaamiyaha la jooga ee difaaca sharaftooda iyo nasabkooda, sidaasi oo ay tahay Axmed Madoobe wali ma uusan sheeganin in uu madaxweyne yahay si ka duwan siyaasiyiin qaarnood nus qarni aanan dalka iman oo madaxweynenimo sheegtey inta meel qurbo ah dad isugu geeyeen.

Inta hadda afkiisa laga hayo, haddii uu jiro xil uu doonayo in uu qabto, xilkaasi waa inuu noqdaa kalluumeysato ama galaa ka ganacsiga kalluunka iyo kheeyraadka badda.

Saraakiisha ciidamada Kenya marka aad la sheekeysato waxa ay kuu sheegayaan in la’aantiis aysan u suuroowdeen in ay meel qabsadaan, ama dagaalka ka gaaraan wax guulo ah, kartidiisa xagga maareynta ciidamada iyo kaartadiisa dagaal iyo waliba taageerada uu ka heysto shacabka gudaha degen ayaa geyeysiisey in uu noqdo udub dhexaadka dagaalka ka dhanka ah xarakada xadgudubtey ee Alshabaab.
KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta