Markaad Taangigii gurigaaga Dumiyay kii hooyadaana inuu gubo asagoo isocdo uu ka dhamaado shidaalka ee nin alle yaqaan isaga kaa dhigaya uu kugu qanciyo haddii aad shidaal ku shubto si guriga Hooyadaa loogu dumiyo adigoo aaminay inaad ku jana tagayso soo shido iyo yaab ma ahan !
TV yada Af-Somaliga ku hadla waxay shubaan war badankii colaad cuduro abuuraya , war run u ekaysiinaya ”Maamulada” magac u yaalka ah ee beenta iyo Mukhaayadaha looga dhawaaqo , waxay dhiiri galiyaan Beenta , ma been ka waynbaa jirta Nin wayn oo ku leh waxaan ahay Madax-waynaha —-Land, waxaa ugu danbaysay dhulkaas uu hafrayo 30 sano iyo dheeraad , dadka uu sheegayo inay doorteen maysan arag meel wax lagu doorto badankood maba yaqaanaan sida wax loo doorto, dhiigooda ayaa maalin walba socda wax dabiibana maysan helin , maafiyo ayaa maalin iyo habayn ku adeegata Magacooda.
Wariyaha u shaqeeya war-baahin xurmo leh wuxuu iskala wayn yahay inuu qofka uu warka ka qaadayo uu ka qaato wax jeebka u roon , haday wariyayaashu musruufkooda u doontaan war-kiisa qofka doonaya inuu quruxsado qaska iyo qalalaasaha uu sababayna ka dhigo horukac iyo baraare , dhiiga shacabka aan waxba galabsan nalooga dhigo danbiilayaal daw ay tahay dilkooda, markay war baahintu gacanta u gasho danbiilayaal , diintuna baylah u noqoto dantooda gaarka ah kuwa ka fakara aakhiro iyo adduun kale aan wax ka malayn soo murogo iyo ciil ma ahan .
habayn walba waxaa laga guraa TV yada somalida ee gaarka loo leeyahay lacago ayay dadku ku taba rucaaan si loogu dhiso Masaajid iyo meelo ay is leeyihiin aakhiro ayay abaal idiin noqon , qofkasta oo si niyad ah ula baxa sadaqo ilaahay wuu ka aqbalaa , waxaase muro iyo maradu kugu gubatay ah marka sadaqada loo gurayo masaajid iyo dhib dad qaba loo leexiyo biilasha TV yada iyo Ragga cimaamada iyo garka waa wayn halkaas diyaarka ku ah.
Halkii habayn wuxuu TV gu ka qaadaa cid kasta oo lacag inay aruuriso doonaysa 2000 ( Laba Kun ) oo Giniga Istarliinta ka ah , ( Universal Tv wuxuu qaataa 3000) halka wadaad kasta ee habaynkaa ka qayb qaata aruurinta lacagta uu qaadanayo 200 ( Laba Boqol oo Gini) , Wadaad fidintii diinta ku iloobay arimo adduun , wadaad wax walba la garab jooga TV gubaya kala gaynaya Somali , wadaadka wax la qarinayo wax ka qarinaya ma ahan wadaad ee waa wadaad xume.
Gabar ayaa waxay aragtay nin ka mid ah ragga sida xirfadaysan uga duceeya Tv yada waxay ka codsatay inuu quraan ugu akhriyo wiilka kaliya ee ay dhashay oo ka xanuun sanayo gabadhaas rajo danbe kama qabto inay wax dhasho siday xaqiijiyeen Dhakhaatiirta Caafimaadka , waxay la gashay Ninkaas ducada fiican afka ka akhriya inuu quraan ugu akhiyo inankeeda wuxuu kula heshiiyay 150 Gini lacagtii wuu ka hor mariyay Telifoonkiina wuu ka qaban waayay . Hadday hilinka toosan ka habawdo oo ay cimaamadleey ay culimo sheegato , caamaduna daba gablayso , halis waxaan ugu jirnaa markaan wadaad soo socda aragno inaan moodno inuu jeebka duullaan ku yahay
Waa duni ninkii sadar bartaa, sababi diintiiye ( Sayid Maxamed )
Aadam Sheikh Xassan
Aadan17@yahoo.com