Dhinacyada Soomaalida oo kaligood wada hadlaya

Published: June 19, 2012

Kn: Saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa ku kulmayaya magaalada Nairobi, balse shirkani waa mid kaligood ay kulmayaan, iyadoo xubnaha beesha caalamka aysan shirka ka qeybgalaynin.

Waa markii ugu horeysey oo ay kaligood kulmaan, iyadoo markii hore ku lug lahaanshaha beesha caalamka ay dabada ka riixi jirtey in ay iyaga isfahmaan.

Lama oga xikmadda ka dambaysa in ay kaligood kulmaan, misane uu kulanka ka dhoco dal shisheeye.

Tan iyo intii laga soo noqdey shirkii Istanbul ayaa waxaa jirey isbadal aanan afka laga sheegin, balse muuqanayay oo dhanka siyaasadda ah kaasoo jiho cusub u jeediyay sidii ay wax u socdeen.

Mid ka mid ah waxyaabihii shirkii Istanbul kusoo shaac baxay waxaa ka mid ahaa in saxiixayaasha ay kaligood isku koobeen aayo ka tashiga dalka, iyada oo ay jiraan dad aad u badan oo iyagana cod ku leh mustaqbalka dalka, waxaa kaloo soo baxday in waxa ay ku heshiiyeen lixda saxiixe aysan wada fuli doonin haddii aanan laga qeybgalinin dadka ka maqan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar