Kn: Maanta waxaa London u ambobaxay guddi ay saartay dowladda Soomaaliya oo ka kooban wasiiro,xildhibaano iyo danojirayaal, balse kooxdani waxaanan ku jirin labo wasiir oo ka tirsan Puntland oo horey loogu daray gudiga wadahadalka Somaliland.
Labada wasiir ee Puntland ayaa kalifey in Somaliland ay diido in ay soo fariisato miiska wadahadalka inta ay ragaasi ku jiraan.
Shirka wadahadalka Somaliland iyo DKMG ah ayaa ka furmaya London, warar aan helneyna waxa ay sheegayaan in ay yihiin wadahadalo hordhac ah, balse wadahadalada rasmiga la gali doono marka laga gudbo nidaamka kala guurka.
KismaayoNews.com