Ganaax kun doolar ah ninkii jiira leerarka Xamar

Published: June 20, 2012

Kn: Leerarka laga shidey waddooyinka caasimadda qaarkood ayaa waxaa jira amar kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir oo sheegaya in gaarigii jiira leerarkaasi, ama ciddii kale ee si kale u waxyeeleysa ay mudanayso ganaax lacageed oo dhan $1000 ( kun doolar).

Waa ganaax aad u badan, waxaana jira ugu yaraan hal wadde oo gaari jiirsiiyey mid ka mid ah tiirarka leerarka suranyihiin, lamase oga ciqaabta uu muteystey.

Ilaa konton leer ayaa dhawaan la surey wadada u dhaxaysa garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan illaa madaxtooyada, waxaana la rajaynayaa in qeybaha kale ee magaalada sidoo kale loo sameeyo.

Waxaa mashruucani maalgalisey dowladda Norway, leerarkuna waa kuwa tamarta ka hela cadceedda.

Walwalka ugu weyn ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ah wadayaasha caasimadda oo ah oo aanan tixgalinin qawaaniinta waddooyinka, intooda badana aanan aqoonin qawaaniintaasi.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Foowsiyo oo wadahadal la yeelatay Kenya
Baarlamaanka Soomaliya oo Xanuunkiisii kusoo kacay
Dowladda oo shirkad shisheeye u saxiixday dhul beereed
Press Release : Somalia government’s take on Banning UN Flights from Hargeysa and Berbera
Dowladda oo war kasoo saartay Somaliland oo joojisey duulimaadyada Qaramada Midoobey