Kn: Degmada Afgooye oo kaliya ilaa 500 dhalinyaro oo Shabaabka horey oga tirsanaan jirey ayaa muddo bil gudaheed ah isku soo dhiibey ciidamada dowladda.

Qeybo kale oo dalka ka tirsan iyo caasimadda, tirada dhalinyarada isa soo dhiibtey aad ayay intaasi oga badanyihiin, laakiin waxaa jira walwal cusub oo arrintani laga muujinayo sababo dhowr ah dartood.
Inkasta oo ay wax wanaagsan tahay dhalinyarada Shabaabka kasoo baxsanaya, hadane waxaa yar aaminka lagu qabo dhalintaasi, iyada oo ay jiraan talaabooyin badan oo halis dhacda looga hortagi lahaa oo aanan la qaadin.
Shabaabka waxa ay sheegeen in ay magaalooyinka oga baxeen kaarto dagaal, oo ay jabhadaynayaan, laakiin waxaa jira arrin aysan sheegin, balse cid kasta fahmi karto.
Sida ay noo sheegeen ilo wareedyo kala duwan, waxaa jira dhalinyaro badan oo laga yaabo in si ula kac ah ay saraakiisha Shabaabka ugu fasaxeen in ay dowladda ku biiraan, waxayna ka damacsanyihiin qorshayaal guracan.
Dowladda uma heeyso wax barnaamij ah dhalinyaradani marka laga reebo in ay ciidan noqdaan taasoo halisteeda leh, lana mid ah shaqadii ay Shabaabka ka dhex hayeen oo la sharciyeeyey.
Ma jiraan farro iyo sawiro laga hayo dhamaan dhalinyarada isa soo dhiibtey, iyo waliba wax barnaamij ah oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqooda iyo waxa ay samaynayaan, ama wax qorshe ah oo looga hortagayo in dhibaato ay shacabka u geystaan.
Iyada oo aysan micnaheedu ahayn in la takooro, ama lagu ciqaabo lugtii ay Shabaabka ku lahaayeen, hadane waxaa jirta mas’uuliyad dowladda iyo cid kasta oo kale ka saaran amaanka qaranka.
Waxyaalaha in loo baahanyahay farta lagu fiiqayo waxaa ka mid ah xarumo dhaqancelin, mashaariic waxbarasho oo gaar u ah dadkaasi, gaar ahaan deeqaha waxbarasho ee dibadaha sida Turkiga in dhalintaasi wax laga siiyo, waliba meelo gaar ah wax lagu baro si dalalka saaxiibada ah laftooda aysan dhibaato ugu geysanin.
KismaayoNews.com