Kn:Maanta ayay ku ekeyd go’aan ay shabaabku iclaamiyeen oo ku aadan inaan wax gaadiid ah magaalada uga bixi karin dhinaca Afmadow, taasi oo ay ku sheegeen inay gacanta ku hayaan kooxo ridoobay.
Ganacsiga magaalada Kismaayo ayaa maanta intooda badan xirnaa kaasi oo ay gacansatadu ku muujinaysay sida ay uga xuntahay xanibaada ay xarakadu ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee marka lagaba tago Afmadow ay ku tiirsanayd isla magaalada Kismaayo.
Afmadow waxay marin u ahayd badeecad tiro badan oo ka soo degaysay dekadda Kismaayo isla mar ahaantaana u gudbaysay dhinaca gobolka Soomaalidu degto ee waqooyi bari Kenya. Arinta xiisaha gaarka ah leh waa in xarakadu ayna xayiraad ku soo rogin inaan wax ganacsi ah u gudbin dhinaca Kenya, kaliya waxay xarakadu xayiraad ku soo rogtay isticmaalka jidka isku xira Afmadow ilaa iyo Dhoobley.
Mar ay gacansatada Kismaayo wada xaajood ka galeen falkan xayiraadda ah, waxay masuuliyiinta xarakadu ku wargaliyeen in gacansatadu isticmaasho jidka dheer ee Hoosingow ama ay aadaan dhinaca gobolka Jubbada Dhexe kadibna xuduudda ka talaabaan dhinaca Ceelwaaq.
Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale la sheegayaa inay soo rogeen go’aamo jawaab u ah kuwa Alshabaab, waxayna sheegeen in hawada laga duqaynayo gaarigii isku daya inuu isticmaalo marin aan ahayn kii hore.
Lama oga waxa xigi doona, laakiin arintani waxay walaac ku abuurtay gacansatada gobolka iyo waliba bulshada rayadka ah ee nolol maalmeed koodu ku tiirsanyahay. Mid kamid ah gacansatada Kismaayo oo aan doonayn in magaciisa la xigto ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka xayiraada ee xarakadu ku dhaqaaqday. ”Hadiiba ayba ogoshahay dawladda Kenya iyo waliba ciidamada huwanta in gacansiga labada dal isu furnaado, waa cadownimo iyo curyaamin in xarakadu ay indhaha isugu qabato isha kaliya ee gacansiga magaaladu ku xiranyahay”.
Magaalada Afmadow waxaa horay uga xirnaa jidka Xagar ilaa iyo Bu’aale isku xira, jidka Jilib iyo Mareerey ku xira iyo kan Qooqaani uga baxa, waxaana kaliya oo furnaa Jidka Kismaayo ka soo gala iyo kan Banka Jiiro magaalada ka aada, kaasi oo ahaa kan ay isticmaalaan ganacsatada iyo dadka u kala gooshaya Soomaaliya iyo Kenya. Waxay u muuqataa in asagiina lagu xiray quful aan la ogayn xiliga la furi doono.
KismaayoNews.com