Wadahadalada Somaliland maxaa hadda kusoo beegey?

Published: June 20, 2012

Kn: Iyadoo loo dhowyahay xiliga uu dhamaanayo kala guurka iyo kumeelgaarka ayaa waxaa su’aalo laga qabaa xiliga lagu soo beegey wadahadalada Somaliland iyo DKMG ah.

Illo wareedyo qaarkood ayaa qaba in ay jiraan wax laga gaarsiinayo ka hor inta aysan dalka ka dhalan dowlad rasmi ah.

Arrin iyada farta lagu fiiqayo in ay wadahadaladan soo dadajisey ayaa ah kacdoonada ka dhanka ah Somaliland ee ka dilaacay goboladaasi, kuwaasina ay halis ku yihiin Somaliland haddii ay dalka ka dhalato dowlad aanan maamulka hadda Somaliland ka jira aqoonsanayn, islamarkaasina aqoonsi siiya kacdoonadaasi, gaar ahaan Khaatumo State iyo Awdal State.

Maanta waxa ay wadahadalada ka furmeen goob aanan la aqoonin oo oo London u dhow, waxaana dabada ka riixaya dowladda Britain oo sida la sheegey jeclaan lahayd in ay aragto awood siyaasadeed oo xoog badan sida Somaliland oo kale ah oo saaxiib dhow la ah Britain taasoo u shahasha galaangalka ay u leedahay arrimaha Soomaaliya ee caalamku ku hardamayo.

Mid ka mid waxyaabaha ay Britain danaynayso ayaa ah keydka shidaalka gobolada waqooyi oo aanan lasoo faagan karin dowlad Soomaaliya oo aanan ansixinin.

Uma badna in wadahadal labbo maalmood ah ay wax kasta kusoo dhamaan karaan, laakiin waxaa la rajaynayaa in ugu yaraan la’isla fahmi karo waxyaabaha qaar.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia