Shabaab Faa’iido Maafiyo !!

Published: June 21, 2012

Kn: Sarkaal ka tirsan aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ku yiri Cabdi Samatar ”yaa Turkiga siiyay ogolaanshaha inay waxay doonaan ka sameeyaan Somalia ? Cabdi oo la yaaban ninkaan is mahadiyay ayaa ugu war celiyay ” bal kawaran hadduu Turkigu yiraahdo yaa Maraykanka siiyay Laysanka Inuu Ciraaq Dumiyo dawladdiisii ?

Waxaan shaki ku jirin inuusan Aqalka cad sinaba u doonayn inay Somalia dagto sabatuna waa mid cad haddii aanan indhaha la iska tuurayn , Maraykanku wuxuu taageero dhaqaale iyo dhinacyo kale siiyay Dagaal oogayaashii xamar ee xasuuqa joogtadaa waday , wuxuu gacan siiyay walina siiyaa Xabashida maalin kasta xasuuqda Somali , wuxuu hiil iyo hooba la garab istaagay Kenya duullaankeeda aan la mahdin doonin .

Haddii ay Maraykanku dhab ka tahay la dagaalanka Al-shabaab madaxdiisa inay dilaan waxaan filayaa inay uga sahlantahay soo qabashada qof jooga gudaha Marayknaka markaan sidaas leeyahay waxaa ku jira somalida boqolaal haatanba u dirta si joogto ah warka mid yar iyo mid waynba (Basaasiin)
Somalia waxaa ka socda dabayl ay in badan oo shabaab ka mid ahayd leexisay kuna soo duwday jidka toosan ee dhismaha dalka dumay iyo joojinta dhiiga la iska daadinayo , arintaas waxay xawligeedu bilaabantay markuu Turkiga soo galay Somalia , dhibaatada ayaa soo yaraatay rajooyin fara badan ayaa abuurmay .

Gen Caydiid oo la hadlayay taageerayaashiisa ayaa wuxuu ku yiri ” Safiirka Maraykanka ayaa igu yiri wixii aad u baahataan ee aad isku difaacaysaan diyaar ayaan idiinla nahay ” Iyadoo qaranku dhisan yahay ayuu maraykanku hub la doonayay dadkii diidanaa xukunkii Askarta ee doonayay inay ku badalaan xukun Asakari .

Maanta oo ay Somalia tahay beer cid kasta mirahay doonto ku beerato kana gurato waxay u muuqataa in America aysan ku farxasanayn dhisme Somalia oo soo noqota inta jiro Qab Qaranimo dad uu ku danbeeyo ,
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Xog-ogaal, Muqdisho


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Press Release: Statement from Jubaland State of Somalia
Maamulka Jubbaland “Timirtii horaba dab loo waa”
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013