Sheekh Shariif oo isa soo sharaxay

Published: June 21, 2012

Kn: Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shaaciyey in uu u sharaxanyahay xilka madaxweynenimada Soomaaliya marka uu dhamaado xiliga kumeelgaarka ah 20 bisha Agoosto.

Waxa uu hadalkani ka sheegey magaalada Nairobi oo uu shir oga socdo saxiixayaasha heshiisyaddii Road Map-ka.

Sheekh Shariif waxa uu sheegey in uu diyaar u yahay in uu hogaamiyo Soomaaliya, kana bixiyo dhibaatada hadda ay maquursantahay, isagoo rajo ka muujiyey in uu guuleysanayo.

Xilka madaxweynenimada oo ay u sharaxanyihiin musharixiin badan, ayaa waxaa musharixiinta ka mid ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia