Shirkii Nairobi ee Roadmap-ka oo la soo gunaanaday

Published: June 21, 2012

Kn:Shir ay ku kulansanaayeen saamilayda jidka tubta toosan (Roadmap) ayaa lagu soo gabogabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen dawladaha danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya ayaa bilawgii hore ay xaaladdiisu ahayd mid is mariwaa iyo is xag-xagasho ay haraysay laakiin markii danbe ay tubta ku rideen ergooyinkii ka socday beesha caalamka.

Waxyaalaha ugu badan ee lagu muransanaa ayaa ahaa dastuurka qabyo qoraalka oo qodobo ku jira ay dhaliyeen muran, warar hor dhac ah oo soo baxayase waxay sheegayaan in la isla qaatay nuqulkii ugu horeeyay ee dastuurka qabyo qoraalka.

Bari ayaa la filayaa in saxaafadda loo qaybiyo heshiiskii ay isla gaareen garabyadii ku shiray Nairobi. Dadka naqdiya dastuurka iyo wadiiqada Roadmap-ka ayaa ka dayrinaya xaaladda waxayna aaminsanyihiin inaan Soomaalida waxbo gacanta ugu jirin, qoraalada madasha la keenay iyo kuwa la soo wadana ay yihiin kuwo ay soo diyaariyeen dad shisheeye ah.

Waxaa isla maanta sidan oo kale ugu soo gabogaboobay magaalada London ee dalka Ingriiska shir ay ku wada xaajoonayeen ergooyin ka kala socday DKMG iyo maamulka Somaliland.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’
Guutaale oo dhexda ka baxay
Foowsiyo oo wadahadal la yeelatay Kenya
Baarlamaanka Soomaliya oo Xanuunkiisii kusoo kacay
Dowladda oo shirkad shisheeye u saxiixday dhul beereed