Dastuurka oo loo qaadayo afti dadweyne

Published: June 23, 2012

Kn: Xitaa marka ay dastuurka cusub meelmariyaan ergada Xamar ku kulmeysa bisha dambe, wali waxa uu sii ahaan doonaa mid aanan rasmi ahayn illaa afti dadweyne lagu meelmariyo.

Kani waa mid ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee Nairobi kusoo gabogaboobey.

Qodobada kale ee meesha looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah tirada uu noqonayo baarlamaanka, taasoo inkasta oo horey loogu heshiiyey in ay ahaato 225 hadane shirkii Istanbul kadib ay soo baxeen aragtiyo kale oo sheegaya in laga dhigo 275 iyo gole odayaal oo ka kooban 135 sida ay ku baaqeen odayaasha Xamar.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale saxiixay nuqulka kama dambeyska ee dastuurka taasoo micnaheedu yahay in lasoo dhamaystirey dastuurka qoraalkiisa.

Hoos waxaa ah baaq kasoo baxay shirka


Baaqa Wadajir ah ee Wadatashigii Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG

Nairobi, 22 June 2012

Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheenNairobi, Kenya laga bilaabo 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wadaxaajood dheeraad ah uga sameeyaan higelinta khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya. So gaar ah waxay diiradda u saareen sidii hoey loogu dhigi laa hifelinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen shirkii Addis Ababa, Thiopia, ee 21dii ilaa 23dii May kaasoo looga gol lahaa dedejinta tubta nabadda.

Shirka waxaa sahashay Quruumaha midoobay, gaar ahaan u qaybsanaha arrimaha Somalia ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Danjire Augustine P. Mahiga.

Shirka Nairobi waxaa ka soo qaybgala Madaxda Saxiixayaasha Khariidada (Roadmap Signatories), sida Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia; Mudane Sharif Xassan Sheikh Adan, Af-hayeenka Baarlammanka DFKMG ah ee Somalia,mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole), Madaxweynaha Dowladda Puntland; Mudane Maxamed Axmed Caalin, Madaxweynaha Galmudug; iyo Sheikh Maxamed Maxamud Yusuf (Aw’Libaax), Wakiilka Ururka Ahlu Sunna Wal Jama’a.

1. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:

a) Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka

doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah

oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda

Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay

May 21-23, 2012.

Sidaa darted Saxiixayaashu waxay isku raaceen saxiixeena qodobada soo socda:

1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha

baarlamaanka

2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta

hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee)

3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament)

Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoolada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedisocodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.

2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-Eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.

Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalin taasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.

3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.

4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah

Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:

a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)

b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)

c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)

d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)

Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.

5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelan inay ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
Mogadishu, Somalia


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo
Ciidamada dowladda ee Kismaayo oo taliskooda la’isku heysto