Dayaxa iyo Xidigaha saxaafadda

Published: June 23, 2012

Kn: “Haddii dayaxa iyo xidigaha ay mihnad shaqo lahaan lahaayeen, saxafiyiin ayay ahaan lahaayeen” kaasi wuxuu ahaa mid ka mid ah halkudhagyo darbiyada ku xardhanaa madal boqolaal qof ay isugu yimaadeen magaaladda Cape Town.

Sida saxafiyiinta oo kale ayay ifiyaan meelaha gudcurka ah” ayaa hoos kaga sii qoran kaasi hore, iyada halkudhigyada kale ay ka mid ahaayeen mid u qoran sidan “Haddii xuquuqul qowl-ka uu ahaan lahaa dal madaxbanaan, dalkaasi wuxuu ahaan lahaa kan kaliya ee aysan cadceedda ka dhicin calankiisa” wuxuu qoraalkani ka dul muuqdaa sawir awr rakuub ah oo isku xiriirsan xilli gabaldhac ah.

Waxa ay ahayd munaasabad ay soo qabanqaabiyey ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika (SOJASA) taasoo ka sokoow in loogu dabaaldagayay sanad guuradii shanaad ee kasoo wareegtey asaaska ururka sidoo kale looga hadlayay xuquuqulqowlka, madaxbanaanida saxaafadda iyo dacatiyada saxaafadda loo geysto.

Filim ka hadlaya dowrka warbaahinta ee bulshada dhexdeeda, dhibaatada saxaafadda loo geystey gaar ahaan saxafiyiintii la diley iyo waliba waxqabadka ururka SOJASA ayaa lagu bilaabay xafladda kaasoo boqolaal qof oo kuraastii meesha tiiley ka tiro batay si weyn usoo jiitey.

Wax ka badan labaatan saxafi oo ururka ka tirsan ayaa mid mid dadka usoo hor-istaagay iyagoo ka sheekeeyey goortii ay saxaafadda soo galeen, warbaahinaddii ay kasoo shaqeeyeen, iyadoo sacab weyn uu u dhacayay si isdaba joog ah xubin kasta oo ururka ka mid ah oo isa soo taagta.

Fariinta ugu weyn ee la gudbinayay ayaa ahayd in bulshada ay xushmeeyeen suxufiyiinta, taasina ay horseedi karto in aanan la waxyeeleyn saxafiyiinta.

Marti sharaf aad u badan oo goobta ka hadashay ayaa dhamaantood ku dheeraaday doorka saxaafadda ay bulshada ugu jirta iyo sida saxaafadda ay u tahay tiirdhexaadka ilbaxnimadda bulsho kasta oo meel ku nool.

Sheekh Xuseen Shibis oo ka tirsan Golaha Culumada Al-Bayaan ayaa yiri “Barigii hore dadka waxa ugu horeeyey ee ay isku salaamaan waxay ahaan jirtey maxaa la sheegey? maxaa la sheegey jawaabteeda ayaa loo sameeyey waxani oo warbaahin ah”.

Dadkii kale ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xuseen Cali Cumar, Mahad Cabdi Cumar, Cabdiyare Jiidoow iyo Cabdullaahi Cali Xassan iyo dad kale oo kala duwan.

Cabdi Jiidoow oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Western Cape ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta Maxamed Muuse Nuur.

Xafladda waxaa laga qeybiyey buug ka hadlaya waxqabadka iyo taariikhda ururka SOJASA.

Waxaa jirtey ruwaayad siweyn loola dhacay oo ka hadlaysay waaqaca jira maanta, waxaana siweyn ruwaayadda oga dhexmuuqdey Mama Xabiibo Talyaani oo ka mid ahaan jirtey hobaladdii kooxdii Heegan ee Police-ka Soomaaliyeed.

Dadweynihii kasoo qeybgalay xafladda ayaa ku tilmaamay in ay ahayd mid ka mid ah xafladihii ugu waaweynaa ee ka dhacay Koonfur Afrika inta ay xusuustaan.

Intii xafladda ay socotay ayaa waxaa bilado iyo koob la gudoonsiiyey kooxdii ku guuleysatay koob loo dhigey labbo koox oo kubbadda cagta oo lagu kala magacaabo SOJASA Stars iyo Banadir FC, ciyaarta waxa ay guushu raacday SOJASA Stars .

Fiiro Gaar ah : Sawirada Xafladda Suxufiyiinta oo Dhamaystiran Waxaad Ka Daalacan Kartaa www.xogmaal.net

SOJASA

Email: sojasa@live.com
www.xogmaal.net


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’
Guutaale oo dhexda ka baxay
Foowsiyo oo wadahadal la yeelatay Kenya
Baarlamaanka Soomaliya oo Xanuunkiisii kusoo kacay
Dowladda oo shirkad shisheeye u saxiixday dhul beereed