Afmadow oo go’doon ah

Published: June 24, 2012

Kn: Dhamaan gaadiidkii uga baxay Afmadow dhinaca magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey ayaa dib ugu soo noqday kadib markii ciidamo Alshabaab oo dhexda u istaagay ay ku amreen inay dib u noqdaan.

Sidoo kale gaadiidkii ka soo baxay Kismaayo iyo Dhoobleey ee ku soo jeeday Afmadow ayay xarakadu bib u celisay.

Sida ay u xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoonyahay, deegaanka Magar ayay cutub ka tirsan xarakada Alshabaab ku hor istaageen gaadiidkii u kala gooshayay labada magaalo ee Afmadow iyo Dhoobleey, waxayna qolo kasta ku amreen inay ku noqdaan magaaladii ay ka yimaadeen.

Gaadiidkii ka baxay Kismaayo ayaa laga soo ma jiiray Janaa-Cabdalle, halka kii Afmadow uga baxay dhinaca Kismaayo laga soo rogay deegaanka Harboole.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay Shabaabku siiyeen digniin culus wadayaasha gaadiidka ay celiyeen, ayagoo uga digay in darawalkii mar kale isku soo maqiiqa jidka laga celiyay uu mudan doono ciqaab sur ka goyn ah.

Lama oga waxa ay ku kor dhinayso dagaalka u dhexeeya xarakada Alshabaab iyo ciidamada Huwanta cunaqaybataynta ay xarakadu ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka qaraabooyinka iyo ehelka ku kala nool magaalooyinka uu ka koobanyahay gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa xusid mudan in ciidamada huwanta ayna arintani wax saamayn ah ku yeelanayn, maadaama ay saadka iyo saanadaba ka helaan dhinaca hawada oo diyaarado loogu soo daabulo. Talaabadani waxay dhib ku tahay oo kaliya shacabka deegaanka oo ay Alshabaab laftigoodu sheeganayaan inay wanaag la doonayaan.

Alshabaab ayaa bilaabay dagaal jabhadeyn ah kadib markii ay lumiyeen bilo is xigay magaalooyin badan oo gacantooda ku jiray, ciidamadooda ka dagaalama Jubbooyinka iyo Gedo-na waxay u qaybiyeen kooxo garab rarato ah oo u socda toban toban taasi oo ku adkaan doonta ciidamada huwantu inay la falgalaan.

Cunaqabataynta ay ku soo rogeen ganacsigii iyo isu socodkii qaar kamid ah magaalooyinka gobolka ugu muhiimsan ayaa u muuqata talaabo kale oo xarakadu ku dagaal galayso, laakiin tani ma ahan wax dhibmooyee dheef uga soo kordhayo marka laga eego dhaqaalaha ka soo xarooda ganacsatada Kismaayo ee laga jaray marinkii gacansigooda iyo dadka deegaanka ee quutul daruurigii lagala dagaalamay oo labaduba ku noqon kara xarakarada caqabad ka daran tan ka soo waajahday ciidamada huwanta ee gobolka dhex mushaaxaya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’
Guutaale oo dhexda ka baxay
Foowsiyo oo wadahadal la yeelatay Kenya
Baarlamaanka Soomaliya oo Xanuunkiisii kusoo kacay
Dowladda oo shirkad shisheeye u saxiixday dhul beereed