84 Sano oo Sabar & Dadaal ah Maxay Dhaliyeen ????

Published: June 25, 2012

AL-Akhwaanul Muslimiin

Horudhac:

waxaa laga joogga 84 sano markii Shiikh xasan Al-bannaa uu ku aasaasay xarakada AL-Akhwaanul Muslimiin 1928, magaallada AL-ismaaciiliyah .
waxay jamaacadu soo martay marxalado fara badan oo intooda badan loo adeegsaday Dilitaan, xiritaan,jir dil ,musaafirin iwm.
waxaa ugu horeeyey oo feb,11,1949 la dilay shiikh xasan Al-bana,waxaa ku xigay oo la dilay sideed ka mid ah Akhwaanka 1954 oo uu ugu caansanaa shiikh C/qadir Al-cawdah oo qoray kitaabka qayimka ah ee ( AL-tashriic jinaayi fil Islaam) oo ah kitaab si weyn uga hadlay xaduduuda & Danbiyadda Islaamka.

Waxaa kaloo la xirxiray 20,000 oo kale oo aadna loo ciqaabay sida Sayid Qutub & wallaalkiis mohamed Qutub & Zainab Al-Qazali iyo umaymah & Hamida Qutub .

waxaa kaloo 1966 la dilay Sayid Qutub iyo Abdulfatax Cabdow & saaxiib kale.
waxaas oo dhanba waxay dhaceen xukunkii jamal cabdul nasir iyo C/xakiim caamir iyo xamza Basyooni oo ahaa madaxii xabsiyada.
waxaa kaloo ay Akhwaanul muslimiin dhibaato la kulmeyn waqtigii madaxweyne Anwar Al-saadaat oo la xiray majaladoodii Al-dacwah,lagana mamnuucay in ay xisbi siyaasi ah furtaan,waa kii murshidkoodii Al-qaadii xasan al-hudaybi qoray kitaabkiisii caanka noqday ee ( Naxnu Ducaatun laa qudaatun) oo macnaheedu yahay waxaanun nahay kuwo dacwada fidiya ee ma nihin kuwa dadka gaalnimo ku xukumah),

Sidoo kale Murshidkii asaga ka danbeeyey ee Cumar AL-talsamaani waa kii Anwar AL-saadaat ku yiri hadalkiisii caanka ahaa ee ( Haddii cadaalad daradu xaggaaga nooga timaado madaxweyne yaan u dacwoonaa oo kaa sareeya) !!!!!
Xarakatul Al-Akhwaanul Muslimiin waa hooyada xarakaatka islaamiga ah ee caalamka Islaamiga ah, waxayna ku saleysan yihiin mabaa’dii qunyar socod ah oo ku saleysan u gargaaridda Bani,aadamka, waxayna ku caan baxeen in ay dadka ka gargaaraan arrimaha bulshada sida caafimaadka,quudinta dadka tabaaleysan, u gargaaridda musiibooyinka sida dhul gariirkii ka dhacay Masar 1992 00 ku dhinteen in ka badan 550 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 6000 ruux.Sidoo kale waxay caan ku yihiin waxbarashada raqiiska ah ama lacag la,aanta ah.

Soddonkii sano ee xukunkii Xusni mubaarak arrinkoodu kama fiicneyn kuwii ka horeeyey ee wali way sii socotay xirxiritaankii siiba marka ay isa soo sharaxaan, sababtoo ah waxay ku guuleysanaayeen haddiiba ay tartamaan, si markaas loogu diido in ay tartamba ka qeyb galaan ayaa la xirxiri jiray.

waa kuma Shiikh Xasan AL-banna :( 1)
Shakhsiyad soo kadisay Masar iyo Caalamka Islaamka oo idil:
Shakhsiyadan oo ku soo kadisay Masar iyo Caalamka Carabta iyo Islaamkaba Dacwadeedaiyo Tarbiyadeeda iyo Jihaadkeeda iyo awoodeeda Baxdowga ah, ee Ilaahay ku kulmisiiyey Hibooyin iyo awoodo is hirdinaaya xagga aragtida Culumada nafsiga iyo Aklhlaaqda iyo kuwa taariikhda wax ka qora iyo kuwa wax taxliiliyaba, hibooyinkaas waxay kala yihiin:Caqli weyn oo nuuraaya, Faham cad oo Ballaaran, Caadhifo xoog leh burqaneysa, Qalbi la Barakeeyey oo duxaaya, Ruux dhalin yar oo iftiimaaya,Carab xikmadi ka burqaneyso iyo saahidnimo iyo Qanaaco aan is dhib laheyn xagga nolosha Qofnimo, Dadaal iyo Himad sare oon is dhibid laheyn xagga gaarsiinta Dacwada iyo Ma’baadiida intaas iwm Waxaa ka muuqaneysa Caqli badnaanta Daacigaan labo arrimood oo aysan dad badani lawadaagin ilaa in yar mooyee :

1) waa jaceylka dacwadiisa iyo iimaankiisa xoogan iyo ku qanciddiisa iyo sida uu ugu go’ay,Taasina waa shardi asaasi u ah kuwa dadka kheyrka ugu yeera iyo Hogaamiyaasha uu Allaah gacmahooda kheyr badan ku maneystay.

2) Saameynta uu ku yeeshay saaxiibadiis iyo Ardeydiisaba, iyo tarbiyaddiisa la yaabka lehee wax soo saarka, wuxuu ahaa mid jiil dhan kiciyey,shacbi dhan tarbiyeeye,mid kaligiis ah Madarasad iyo fikrad iyo Akhlaaq cilmi ah. .

Shiikh Xasan AL-Ban’naa muxuu ka yiri isku xukumidda Diinta islaamka:

[ Wuxuu Nabigu NNKH Xukunka ka dhigay mareeg ama xarig ka mid ah mareegaha Islaamka, Xukunkuna wuxuu kaga jiraa Kutubteena Fiqhiga Qeybta Caqiidada iyo usuusha,ee kama tirsana fiqhiga iyo furuucda, Islaamku waa xukun iyo fulintiisa, sida uu u yahay sharciyeyn iyo Barasho, sidoo kale waa Qaanuun iyo xukmin aan midna mid ka maarmin.Ruuxa Caalimka Islaamiga ah ee naftiisu Raali ku noqoto in uu noqdo faqiih dadka Diinta bara oo kaliyah , Axkaamtana dareeriya oo kaliyah, usuusha iyo furuucdana kala saara !!!! Caalimkaas oo ka jeesta oo ka indho laabta kuwa xukumka haya, in ay dadka wax aan Allaah u sharciyeynin ay ku xukumaan, dadkana ku qasbaan in ay Allaah khilaafaan, Sida caadiga ah natiijadu waxay noqoneysaa dhawaaqa Caalimkaas mid aan wax ba anfacin oo la mid ah qeylo waadi lagu qeyliyey oo kale ama caro la afuufay sidey carabtu tiraahdo ama hal bacaad lagu lisay sida Soomaalidu ku maahmaahdo.

Waxaa sax ah in Culumadu ku mashquusho tarbiyadda ,wacdiga iyo hanuunintaba , waa haddii xukaamtu ay Hadalka ilaahay u dhaga raaricinayaan , awaamiirtiisana fulinayaan, dadkana gaarsiinayaan hadalka Allaah iyo sunada Rasuulka, laakiin haddii xaalku yahay sidaan arkayno: sharcigii islaamkuna uu waadi ku socdo,fulitaankiisiina uu waadi kale ku socdo, Haddaba in Culumadu arrinkaas ka fadhiisato oo aysan xukunkii Allaah raadinin waa jariimo ama Danbi weyn oo islaami ah oo aan lagu dhaafeynin ilaa loo kacomooyee, lagana wareejiyo xukunka gacanta kuwa aan Allaah xukunkiisa uhogaamsaneynin iyo Diintiisa xaniifka ah] majmuucul rasaa,il 186.

Haddaba Akhristoow waxaan markaana u gudbayaa aniga oo soo koobaaya, Dacwada AL-Akhwaanul Muslimiin sida uu Shiikhoodu yiri :

Arkaanta Beecadeenu waa Toban ee xifdiya:

faham,ikhlaas,camal,jihaad,naf hurid,adeecis,sugnaasho,u banbixid,wallaalnimoiyo kalsoonaan.

( Tan ugu horeysa ee( fahamka) ayuu wuxuu ku soo koobay 20 Qodob oo runtii ah Diinta usuusheeda ama haddii aan si kale u iraahdo fahamka salafiga ee Saxiixa ah wax uu ka tagay ma leh.wuxuu ka bilaabay in uu islaamku shaamil yahay oo waa caqiido,cibaado,wadan, jinsiyad,Diin iyo Dawlad,rooxaaniyad(spritual) camal,kitaab,seef,quraanku waa dustuurkeena,Rasuulkuna waa(qudwatunaa)kaan ku dayaneynay.xirsiyadda, tufniinka,faalka,wax maqan oo laga hadlo ,waa munkar ay waajib tahay in lala diriro,wuxuu kaloo soo qaatay,macrifadda ilaahay iyo towxiidkiisa iyo in xumidda laga nasaho iyo Aayadaha sifaadka iyo axaadiisteeda saxiixa ah, waxaan u rumayneynaa sidii ay noogu timid anagoon ta’wiilin, tacdhiilin, waxaana taas naga deeqa wixii nabiga nnkh iyo asaxaabtiisa ka deeqay sida ay yiraahdeen( kuwa cilmiga u saaxiibka ahi waxay oranayaanwaan rumaynay wixii Allaah xaggiisa nooga yimid oo idil)3:7 wuxuu 20 kaas qoddob ku soo gabagabeeyey hadalkii Caalimkii Islaamka ee xanafiga ahaa Shiikh Dhaxaawi ee ahaa :( Ruux Muslin ah oo shahaadada qiraykuna camal falay waxay keensaneyso, ku Gaaleysiin mayno macsiyo in uu kalimad gaalnimo ah qirto mooyee ama uu ka tago wax diinta ku cad oo lagama maarmaan ah in uu ogaado, ama uu ku kufriyo wax quraanka ku cad ama si khaladan uu u turjumo ama uu sameeyo camal gaalnimo tusaaya oo aan ta’wiil qaadan karin ) majmuucul Risaala Bogga 372-375 .

Xisbiga Xoriyadda & caddaaladda :

Markii sanadkii hore ay bilaabantay dabeyshii kacdoonkii Dawladaha carabta ee uu sababay Marxuum Bu-caziza ee dalka Tunisia , ayaa markiiba dabeyshii soo gaartay Dalka masar 25 bishii Janaayo ,2011 taas oo galaafatay Madaxweyne xusni Mubaarak iyo xukunkiisii 32 jirsaday ee kaligii Taliska ahaa.

Dadkii Kacdoonkaas doorka weyn ka ciyaaray waxay ahaayeen Xarakada AL-Akhwaanul Muslimiin oo ayadu aheyd xisbiga kaliyah ee diyaarsan,marka laga reebo xisbigii wadanka ee 59 sano dadka & dalka xoogga ku haystay.

Xarakada Akhwaanul muslimiin waxay markiiba furteen xisbiga Xoriyadda & Caddaaladda oo la furay 30kii Bisha April,2011 kaas oo uu Madax u Noqday Sacad AL-kataani,ku xigeenna Casaam AL-curayni, waxayna markiiba ku guuleysteen 217/498

Kuraastii Baarlamaanka taas oo ka dhigan kala badh.

Madaxweynihii ugu Horeeyey ee ka yimid Xarakada Akhwaanul Muslimiin 84 sano kadib :

Waxay kaloo u soo sharaxeen Madaxweyne DR. Mohamed mursi kaas oo asaguna xalay ku guuleystay Tartankii labaad ee madaxtinimada ooy iskugu soo hareen asaga iyo Mudane Axmed Shafiiq .

Natiijada oon si caadi ah loo shaacin haddana waxaa guushaas sheegtay xisbiga Xoriyadda & Caddaallada oo sheegay in ay heleen 52 % meesha uu ka keenay Mudane Axmed Shafiiq 48%.

Hadal uu jeediyey DR. Mohamed Mursi kadib markii la soo gabagabeeyey tirintii ayuu u sheegay :

( Dadka reer Masar waa in ay dabaal degaan, Ruuxna ka aarsanmeyno waxaana ka fakarayaan Mustaqbalka Reer Masar oo idil Muslimkooda & kiristaankoodaba.Dadka Reer Masar waa wada siman yihiin Ruux ruux ka sareeya ma jiro,waxaana ka wada fakareynaa horumarkooda ).

waxaan maqaalkayga ku soo gabagabeynaa Hambalyeyn

aan nu hambalyeynaayo Xarakada hooyada u ah xarakooyinka Islaam doonka ee AL-akhwaanul Muslimiin, dadalka ay muujiyeen & sabarka ay muujiyeen iyo jidka dheer ay u soo mareen in ay marnuu Dadka ku xukumaan Shareecadda Islaamk, sida uu yiri Aasaasahoodii Shiikh Xasan AL-banna Quraanku waa dastuurkeena,Sunada Nabigeenuna waa ku dayashadeena,Jihaadkuna waa rajadeena tan ugu sareysa .

waxaan halkaan xarakooyinka islaam doonka ah ee wadankeena Soomaaliya ku leeyahay ku dayda xarakada Hooyada ah, dadkana kasbada Rome habeen laguma dhisin,

AL-Akhwaanul Muslimiinna Sideetan iyo Afar sano ayey ku qaadatay in ay madaxweyna Noqdaan.

FII AMAANI LAAH.

Shiikh saahid mohamed yusuf

USA,VA.

sahidyusuf@yahoo.com

AL-mutakhasis fil xarakaat AL-Islaamiyah

(1) ku noqo Maqaalkayga Shiikh Xasan Al-banna (1&2)

ReplyReply AllMove…InboxNotesSynced Messages


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar