Ceel-Macaan oo la’isu qaraareeyey

Published: June 25, 2012

Kn: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dib oga soo baxay dekada Ceel-Macaan iyo garoonka Cisaleey ee duleedka waqooyi ee caasimadda kadib markii ay halkaasi dagaal kula wareegeen maalinkii jimcaha.

Ciidamada ALshabaab ayaa dib ula wareegey deegaanadaasi, Yuusuf Kabo-ku-tukade waxa uu ku magacaabanyahay waaligga Alshabaab ee gobolka Shabeeladda Dhexe, waxa uu warbaahinta u sheegey in ka bixitaanka AMISOM iyo dowladda ay ka dhigantahay jab soo gaaray, islamarkaasina ay iyaga guuleystey.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay ciidamada halkaasi uga baxeen iyadoo aysan jirin wax dagaalo buuran oo halkaasi ka dhacay, balse saraakiil ciidamada ka tirsan ayaa sheegey in looga fogaanayay go’doomin iyo shirqool la sheegey in Alshabaab ay damacsanayd.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey
AMISOM oo Kismaayo lagu weeraray, waa markii koowaad
Shirweynihii waxbarashada oo Xamar ka furmey
Education will be the foundation of a new Somalia, Prime Minister says, opening a landmark National Education Conference in Mogadishu