Maraykanka “Maxaan idiin sheegney?”

Published: June 25, 2012

Kn: 48 saac kadib markii safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay muwaadhiniintooda oga digtey in ay u safraan magaaladda Mombasa sababo la xiriira weeraro laga baqayo ayaa waxaa dhacay weerar lagu qaaday baar lagu bulsheeyo.

Tirada dhimashada ayaa sii kordheysa, gaartayna sedex qof oo uu ka midyahay ilmo 9 jir ah, waxa uu qaraxa ka dhacay meel ay dad isugu yimaadeen si ay u daawdaan ciyaar dhexmaraysan Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Xog-hayaha golaha wasiirada Francis Kimemia ayaa saacado ka hor qaraxa dhaleeceeyey digniintii safaaradda Maraykanka oo uu ku tilmaamay mid jihowareerin ah.

Dhanka kale waxa maanta maxkamada Nairobi ku taala lasoo taagay labbo nin oo dalka Iran u dhashay oo lagu qabtay iyagoo watta kiimikooyin bambaano lagu samayn karo oo dhan 15kg, waxaana lagu kala magacaabaa Ahmad Mohammed and Sayed Mousavi.

Qaraxani Mombasa ayaa loo qabtay nin ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa kadib markii uu bixiyey hadalo isburinaya xili ay Police-ka waraysanayeen.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
War hadda soo dhacay : Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!