Kn: 5 Daanyeer ku xaree Qob , xagga sare ee gudaha Qobka waxaad surtaa xirmo Moos ah , durba Daanyeer ayaa isku dayaya inuu soo qabsado Mooska , 4 ta kale waxaad ku shubtaa Biyo qaboow oo waliba cabis gali , mid kale ayaa isku dayaya sidoo kale biyihii qaboobaa ku shubo inta hartay , markasta oo Daanyeeer isku dayo inuu Mooska soo qabto ku Rushee biyo qaboow , ugu danbayn hadii uu mid isku dayo waxaa u diidaya kuwa kale si ay uga nabad galaan biyaha qaboow .
Hal Daanyeer kasaar kuna badal mid kale(Muuse u bixi ) oon war-moog ka ah wixii meesha ka dhacay ,durba Mooskii ayuu beegsanayaa laakiin 4 ta Daanyeer ayaa ka hor istaagaya cabsi ay ka qabaan qaboow ,dhawr jeer kadib wuxuu baranayaa Muuse in isku dayga mooska ay xaaraan tahay , 5 tii biyaha ogaa marba mid cusub ku badal , Muuse iyo intii ka danbaysay ee Daanyeer oo aan war iyo wacaal u hayn Biyihii qaboobaa waxay wada qaadan doonaan aragtida ah Mooska ciddii isku daydaba waa in loo diidaa sabab la’aan.
Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu aamin san yahay haddii uu qof Beeshiisa aan ahayn uu Madax noqdo inay tahay in laga tuuro jid kasta ha loo maree , sababta cid garanaysa ma jirto laakiin waxay noqotay dabeecad nacasnimo ah dhaqan noqotay , qaarka wax bartay ma doonayaan inay aragtiyada aqooneed ee laga yaabo inay hayaan ay siiyaan hadba qofka talada haya , wuxuu doonayaa inuu marka uu kaas habaarka qaba ee meesha sida xaq daraddaa ku jooga marka ay isaga iyo beeshiisa ka tuuraan uu la soo boxo aragtiyo madhalays ah laakiin uu aaminay inay wax tar yihiin.
Bal is waydii Beesha aad u seegtay adduun iyo aakhiro Qabriga ma jiraa qof kaliya oo kuu raacaya , maya ee markaad dhimato xitaa magaca ayaa lagaala bakhaylayaa, Marxuum ayaa magac kuu ah , waxaa la is gaarsiin Ninkii hebel la oran jiray waa dhintay ,( qof nool haddii aad ku tiraahdid wax dhintaad tahay maxaad ka filanaysaa ?) haddii qofka aad jeceshahay uu wax ku faro ma diidaysid , laakiin markaad Jacayl beena aad boqol kitaab ku martid geeri ayaad la jeclaataa qofkaas aad beenta ku shubtay , bal malee markaad leedahay Nabi Muxamed ayaan Jeclahay , ee aad Amarkiisana diidan tahay , wuxuu na amray inaan Qabyaaladda ka durugno , laakiin wax walba ayadaa nagala wayn .
Qolo horteen noolayd ayaa qabyaaladda ku dhagtay dhiigna ku daadisay dulmina ku gashay sabab waagaa jirtay laakiin anaga waxaan u qaadanay sida Aragtida Daanyeerta bilowga sheekada , waxaa aaminnay in Qabyaaladdu tahay wax diinta ka wayn , soo Muuse iyo intii ka danbaysay la dhaqan ma nihin !!?
Aadan Sheikh Xassan
Aadan17@yahoo.com
KismaayoNews.com