Haweeney Balcad ku sugan oo laga yaabo inay wasiiradda ku biirto

Published: June 26, 2012

Kn: Markii la dhisayay xukuumadda KMG ah ee Ra’isulwasaare Cabdiwali Gaas ayaa dadkii liiska golaha wasiirada kusoo baxay waxaa ka mid ahaa Caasho Caqiil oo loo magacaabay wasiiradda Qoyska.

Caasho xiligaasi waxa ay ku sugneyd degmada Balcad oo ay Alshabaab ka talinayeen, waxayna keentey in Shabaabku xabsiga u taxaabaan Caasho oo aanan xitaa ka warheynin in wasiir loo magacaabay, kaliyana Raadiyaha ka dhagaysatay.

Xilkaasi waxaa markii dambe loo magacaabay Maryan Aweys oo hadda ah wasiiradda haweenka.

Maanta maadaamaa ciidamada dowladda ay la wareegeen Balcad, Caasho waxa ay xor u tahay in ay ku biirto golaha wasiiradda.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey
AMISOM oo Kismaayo lagu weeraray, waa markii koowaad
Shirweynihii waxbarashada oo Xamar ka furmey
Education will be the foundation of a new Somalia, Prime Minister says, opening a landmark National Education Conference in Mogadishu