6000 kun ciidamada badda Soomaaliyeed oo la diyaariyey

Published: June 27, 2012

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa shirka caalamiga ah ee burcad badeeda looga hadlayo dalka Imaaraadka ka sheegey in dowladdiisa ay diyaarisey illaa lix kun oo ciidamada badda ah kuwaasoo la dagaalama burcadda.

Waxa uu sheegey in 700 milyan doolar lagu bixiyey madaxfurasho, lacag taasi aad oga badana lagu bixiyey illaalinta badda, balse sedex meeloodoow meel ka mid ah lacagtaasi ay ku filnaan lahayd ciidamada badda Soomaaliya.

“Burcadda badda kuma dul noola, dhulka ayay joogaan, anagana waxaan awood u leenahay in aan kusoo afjarno muddo sanad gudihiis ah haddii aan helno qarashkii ciidamada” ayuu yiri madaxweynaha oo beesha caalamka ku eedeeyey in ay iska dhago tireen dalabyo caawin ah oo ay weeydiisteen.

Dowladda Imaaraadka ayaa shirka ka yaboohday hal milyan oo doolar.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Soomaalida oo cabasho geysey baarlamaanka K/Afrika + Video
Xamar oo Kismaayo kudd ooga soke maray
Waa ceynkee dareeska ciidanka cusub ee Jubbaland?
Dowladda oo sheegtey in aysan weerar ku qaadi doonin Kismaayo
Ethiopia oo ciidamo u direysa Somaliland