Sida muuqata dareenka iyo ficilka dawladda KMG ah ayaa ka dadban iney daneyso dagaalkii muddada dheer socdey ee ugu danbeyn ciidamada TFG iyo Kuwa Raaskamboni oo kaalmo ka helaya ciidamada Kenya ay ku qabsadeen magaalada Afmadow. Sida ka muuqata habdhaqanka dawladdu iyo ficilka la arki karo waxaa weeye in Afmadow aysan dawladdu dan iyo aabo ka laheyn qabsashadeeda meesha adduunka oo dhan iyo gaar ahaan dalalka dariska ahi ay ka hadleen soona dhaweeyeen qabsashada Afmadaw. Magaalada Afmadow ayaa ah magaalada qaddiimi ah kuna taalla meel haboon waxaana lagu tirin karaa meelaha ugu muhiimsanaa meelihii laga qabsadey Alshabaab. Balse sheekadaas ma heyso dawladda KMG.
Marwalba oo ay dhacdey in ciidamada TFG iyo kuwa dawladaha dariska ah ay qabsadeen meel cusub waxaa si dagdag ah booqasho ugu taga dawladda KMG ah iyo madaxsare waxaana ugu danbeyn qabsashadii Balcad, Afgooye, Baydhabo iyo Beledweyne. Su aashu waxaa weeye maxaa Afmadow looga gaabsadey in dawladdu ay gaadho. Jawaabaha su aashan ayaa ninba dhinac uga jawaabi karaa balse Kismaayonews waxey aaminsatahay ineysan dawladdu ku faraxsanayn hormarka iyo guulo laga soo hooyo dhanka Jubooyinka iyagoo madaxda ugu sareysa ee TFG ay u arkaan Jubooyinka loolan siyaasadeed oo dheeli rogan kara awoodda TFG ee Muqdisho.
Madaxweynaha TFG iyo Raisul Wasaarahiisa ayaa labadooduba dhawr jeer soo gaadhay Nairobi iyadoo ay qaadan lahayd dhawr saacadood iney tagaan Afamadow oo maalinwalba ay tagaan diyaaradaha ciidanka ee dalka Kenya oo hadda AMISOM kamid ah.
KismaayoNews ayaa fahamsan in xaaladda Jubooyinku ay tahay mid ay dawladda TFG iska indha tireyso oo aan xitaa aad loogu soo qaadan saxaafadda ku hadasha afka dawladda iyadoo dhanka kale marwalba laga hadlo gobolada kale ee ciidamada Ethiopia ka hawlgalayaan.
Haddaba shacabka Jubooyinka, aqoonyahanka iyo waxgaradka kazoo jeeda Jubooyinka waxaa la gudboon iney ogaadaan ineysan ku xisaabtamin waxna ka sugin dawlad ka naxsan hormarka iyo la wareegidda magaalooyin muhiim ah waana iney isku tashadaan. Haddii ay todobaadyadan dawladda KMG ahi aysan si dagdag ah wafti culus ugu soo dirin Afmadow waxaa hubaal ah iney arintani dhab tahay.