Guul-Darrooyinka

Published: June 27, 2012

Khiyaali ayay ahayd markaan aamin-nay inuu Maxwayne Siyaad ahaa Kaligi Taliye xukuma Bulsho Dimuquraadi ah , wuxuu ahaa Kaligii Taliye Madax u ah Bulsho wada kali taliye ah , Odayguse wuxuu ahaa Kabiirka Ardo isku dhaqan ah oo mid walba doonayo inay tiisa maahane aanay mid kale socon hadii kale afka dhulka lala galo.

Qaar naga mid ah waxay aamineen in Dastuurka oo la qoro ay dhiig joojin u tahay cuqubada aan dhawr iyo labaadan Gu’ beeraynay , sidaan ogahay Dastuurku ma’ahan wax naga dhumay oo inaan maal iyo maskax waxaan hayno aan ku raadinno ay tahay , Dastuurku waa xaashiyo waxaan doonno aan ku qorayno sida la isugu raaco ku xiran dhaqan galintiisa , qoridiisa waxaa ka muhiimsan cidda qoraysa , Nin Qur’aan diiday Qoraal miyuu qaddarin ?

Dad badan ayaa run u haysta in ay dhibtu kaga guurayso dhulka Soomaaliya in la doorto Madax wayne aan ku meel gaar ahayn , ayna doortaan odayaal ay dhaleen odayaal kale oo loo bixiyo xunbaha golaha shacabka loona dhigo in ay shacabka matalaan sida runta ah waxay matalaan Odaygii keenay meesha iyo Jeebkiisa , qaar alla aqoon ahna waa jiraan in kastoon kuwaas laga jeclayn meelahaas .

Qolada rabta kuna adag inay wax walba ka hor mariyaan Dastuurka isla markaana ka dhigaya mucjiso musiibada looga baxayo ( Kan hadda qoran maalin iyo habayn ayay jabiyaane ma kan cusub ayay ilaalin) , waxay dadka marsiinayaan Dastuur waxa ku qoran aanu shacabku xaqa u lahayn inuu maqlo ama akhriyo , Dastuurka Boosa Neerada lasoo marsiiyay xal inuu dhalo waa xaajo adag.

Qaran hadduu waayo dad qab iyo qaranimo leh , hadduu gacanta u galo dallaal iyo danayste , haday u taliyaan danbiilayaal , cadaw guna noqdo ”walaal” aan xitaa saaxiib ahayn , waa shiddo iyo hoog , Sune kama ansaxo nimuu, tagay faralkii saaraaye (Sayid Maxamed)

Qofka Caqliga leh Dabka wuu Kulaalaa , Doqonkase Naftiisa ayuu ku Gubaa .

Aadam Sheekh Xassan
Aadan17@yahoo.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo