Dowladda oo talaabo ka qaadaysa gudiga dastuurka

Published: June 29, 2012

Kn: Warar ay heshey shabakada KismaayoNews ayaa sheegaya in dowladda ay ka fiirsanayso in ay talaabo ka qaaddo dhowr iyo tobon xubnood oo ka koobanyahay gudiga madaxa banaan ee dastuurka qorey kuwaasoo dhawaan shir jaraa’id ka eedeeyey madaxda dowladda, sheegeyna in ay badaleen dastuurkii iyaga ay soo qoreen.

Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo isla maalintiiba hadlay ayaa sheegey in gudiga shaqadooda ay dhamaatay, hadalkaasi oo uu ku celiyey shalay mar uu la hadlayay odayaasha dhaqanka oo uu isaga horgeeyey nuqulada dastuurka, shaqadaasi oo ahayd tan gudiga madaxa banaan ee dastuurka.

Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Cabdulaahi Xassan Jaamac oo ahaa gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dastuurka looga yeerey xarunta nabadsugidda ee NSS-ta, halkaasoo lagu maraanmaray.

Warar kale oo aan helney ayaa sheegaya in dowladda ay ka taxadarsantahay arrinta talaabo ka qaadista gudiga dastuurka iyadoo bakhdin laga qabo in taasi ay dhaawacdo qorshaha lagu doonayo in afti loogu qaado dastuurka, gaar ahaan odayaasha oo hadalka gudiga uu saameyn gaar ah ku yeeshey, saamayntaasi oo wasiirka dastuurka ku qasabtay in uu sharoxo shalay sababta gudiga dastuurka loo kala direy.

Inkasta oo ay xukuumadda sheegtey in waqtiga gudiga uu dhamaaday, hadane runta waa mid taasi ka badalan, runtu waxa ay tahay in xukuumadda ay go’aan degdeg ah ku kala dirtey gudiga markii ay saxaafadda la hadleen, kana hor yimaadeen go’aanka madaxda dowladda, arrintani waxaa daliil u ah in saacado markaasi ka hor in madaxda dowladda ay gudiga ku qaabileen madaxtooyadda kadibna u dhiibeen nuqulkii ay soo tifaftireen, gudigana u sheegeen in ay odayaasha horgeeyaan dastuurka, taasi oo ay gudiga diideen.

Lama oga in go’aanka diidmada ee gudiga markii hore laga wargaliyey madaxda dowladda ka hor inta aanan saxaafadda loo sheegin, laakiin waxaa muuqata in xukuumadda ay siweyn oga xumaatay in sideedaba saxaafadda iyo dadweynaha loo sheego go’aan ceeynkaasi ah.

Wasiirka dastuurka ayaa gudiga u jeediyey eedeymo culculus kuwaasoo dad badan isweeydiinayaan sababta uu kol hore u sheegi waayay ama talaabo oga qaadi waayay, islamarkaasina kusoo beegey marka ay gudiga si banaan ah isugu dhaceen?.

KismaayoNews oo dad caasimadda qaarkood wax ka weeydiisey arrintani ayaa shaacin karta in si weyn loogu kala aragti duwanyahay arrintani, dadka qaarkood waxa ay go’aanka gudiga ku tilmaameen mid qeeyru mas’uulnimo ah oo sigey in uu qar dheer ka tuuro mustaqbalka dalka, halka qaar kale ay sheegeen in gudiga ay u dhaqmeen si madaxbanaan oo sharciga waafaqsan, islamarkaasina shacabka u sheegeen wixii runta ah ee jirey, ayna ku tilmaamanyihiin halyeeyo iyaga oo kale ay yartahay in bulshada laga dhex helo.

Wasiir Xoosh si uu u dajiyo qalqalka ka yimid go’aanka gudiga ayuu ku celceliyey in nuqulka la tifaftirey uu yahay mid u hiilininaya diinta islaamka, islamarkaasina uu aad oga wanaagsanyahay nuqulkii ay gudiga diyaariyeen markii hore marka loo eego xagga shareecada Islaamka. Hadalkani waxa uu ka dhiganyahay in gudiga ay ahaayeen kuwa jeebkooda kala soo baxay qodobada diinta ka hor imanaya ee markii horaba muranka keeney.

Sida uu sheegey Cabdullaahi Xassan, gudoomiyihii gudiga, wax kasta oo uu yahay dastuurka hadda odayaasha la horgeeyey iyo qodob kasta oo xun oo ku jira, ma ahaan doono wax mas’uuliyadda ay yeelaan doonaan gudiga madaxa banaan ee dastuurka, waxayna u egtahay in gudiga ay kala doorteen khalad ay ka galaan madaxda dowladda iyo qaranka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Press Release: Statement from Jubaland State of Somalia
Maamulka Jubbaland “Timirtii horaba dab loo waa”
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013