Faahfaahin Shirka arimaha Jubbooyinka ee Nairobi(+Sawiro)

Published: June 29, 2012

Kn:Shir uga socda Nairobi kooxaha ku loolamaya masiirka iyo aayo ka talinta gobolada Jubbooyinka oo galay maalintii 2aad ayaa bilawgii hore ku bilawday faro isku fiiqid iyo buuq balse markii danbe qaaday dhabaha dagani socodka, kadib markii ka soo qaby galayaasha dhinacyadu ay isku nafiseen.

Shalay iyo maanta galinkii hore waxaa shirka ku jiray, xubno ka socday DKMG, Xarakooyinka Kaambooni iyo Ehlu Sunna iyo Azania, halka ay garqaadayaashu ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Dawlad Goboleedka IGAD, Kenya iyo Itoobiya.

Galinkii danbe waxaa shirka ku soo biiray garab cusub oo lagu magacaabo Harti Group, kuwaasi oo mar kale soo galitaan koodu uu dhaliyay guux iyo muran arimaha u rari gaaray halkii laga soo bilaabay shalay.

Ugu danbayn dhexdhexaadiye yaashu waxay ku guulaysteen inay xakameeyaan kooxaha goobta isugu yimid, waxaana mar kale si caadi ah ku soo noqday habsami u socodka jawiga shirka.

Waxyaalihii ugu doorka roonaa ee kooxaha qaar ku doodayeen ayaa ahayd in Ahlu Sunna iyo Kaambooni ay miiska soo saareen inayna daw iyo gar ahayn in la soo hor fadhiisiyo kooxo aan wax dagaal ah ku jirin oo doonaya oo kaliya inay gurtaan miraha iyo manfaca ay ayagu dhibta ugu jiraan. Waxay ku sheegeen dhalinteed iyo riyo damaaciga laba qolo oo midna ay dheheen waxay la safanyihiin oo dagaalka kula soo jiraan Shabaab hadana waxay doonayaan marka dalka la qabto inay manaafacaadka waxa ka helaan, qolana waxay yiraahdeen gacmuhu waa u dhaqanyihiin suud cadna waa qabaan, waxayna doonayaan ayagoon dagaalka wax ka galin, dalkana cag dhigin inay dalka iyo dadka dusha ka maamulaan.

Isku soo duuboo, IGAD waxay soo jeedisay in marka hore ay muhiimtahay in la isu tanaasulo waxiii horana aan wax laga soo qaadan, sidaas darteedna hadeerto meel cusub laga bilaabo si mustaqbalka gobolka iyo aayihiisa danbe loo wada qayb sado dhib iyo dheefba.

Waxaa la filayaa in baritoole la soo gunaanado shirka, lagana soo saaro war murtiyeed ay isku waa faqeen garabyada kulansan.

Waxaa xusid mudan in tobaneeyo maamul goboleed oo dhamaanba ku magacawnaa gobolada Jubbooyinka ayna intoodii badnayd soo xaadirin.

KismaayoNews.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Soomaalida oo cabasho geysey baarlamaanka K/Afrika + Video
Xamar oo Kismaayo kudd ooga soke maray
Waa ceynkee dareeska ciidanka cusub ee Jubbaland?
Dowladda oo sheegtey in aysan weerar ku qaadi doonin Kismaayo
Ethiopia oo ciidamo u direysa Somaliland