Kn:Shirkii furmey maalinkii shalay ahayd laguna wado inuu soo afjarmo maalinrta barito ayaa waxaa KismaayoNews usuuro gashey iney hesho faahfaahin kooban oo la xiriirta sida wax usocdaan iyo Kooxaha kasoo qaybgalaya kulanka. Waxaa shirka loo qabtey markii hore saddex waji oo kala ahaa Raskamboni, Azaniya iyo Ahlusunnah Waljamcea, Gedo iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen TFG, IGAD iyo dawladaha dariska ah ee EThiopia iyo Kenya.
Shirka waxaa maanta kusoo biirey Koox la dhaho HARTI Group oo uu hoggaaminayay nin la dhaho Darwiish waxeyna maanta kusoo biiriyeen shirka miisaan kale iyo dood cusub.
Doodda shirka nuxurkiisu waxaa weeye in garabyadan kala socdaayi ay sii wadaan dagaalka iyo dadaalka loogu jiro in Alshabaab laga saaro gobolada iyo in marka taasi dhacdo la sameysto maamul loo wada dhanyahay.
Maalinka barito ah ayaa lagu wadaa in lasoo afjaro waxeyna KismaayoNews sii saadaalin kareysaa qodobada shirka kasoo bixi doona oo nuxurkoodu noqondoonaan
1- In lasii wado wadahadalka kooxahan udhaxeeya
2- In la wado dagaalka Alshabaab waddanka looga xoreynayo
3- In shirkan mid daba socda lagu qabto meel kale
4- In maamul loo dhanyahay loo sameeyo gobolada Jubooyinka.5- Iyo mahadcelin dadkii iyo dawladihii suura galiyey shirkan iyo kuwii taageeray kooxahan oo ah Kenya iyo Ethiopia
Waxii kasoo baxa maalinka barito ah dib ayaan kala socon doonaa