Dr. Gaas “Hambalyo Koowda Luuliyo”

Published: July 1, 2012

Kn: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo Udiraya Ku Aadan Sanad Guuradii 52 aad ee Xornimada Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

Waxaan umadda Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha weyn u leh ee 1-da luuliyo.

Waxaa sharaf ii ah inaan qofkasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu ku nool yahay, la qaybsado caawa farxadda munaasabadda 1-da Luuliyo.

1-da luuliyo oo ah maalintii ay gobolada koofureed qaateen xorriyadda, waxay ka mid tahay maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya umadda soomaaliyeed.

Waxaan u rajaynayaa ummadda Soomaaliyeed inay caawa ila qaybsadaan faraxadda maalinta xorriyadda

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya ka qaado dhibta haysata

Soomaaliya ha noolaato… Soomaaliya ha israacdo…..Soomaaliya ha midowdo

Ra’sul wasaaraha Soomaaliya

Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa