Kn: Sabti –June 30, 2012 SANCA-YEMEN: – wasiirka arimaha dibada ee dallka
yemen dr abuubakar cadlalla al-qarbi ayaa ka gudoomaya qunsulka guud
ee dawladda soomaaliya u soo magacawday magaalada cadan waqaddihiisa
aqoonsiga H.E Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan ) ka dib kulan uu
kula qaatay wasiirak wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Yemen.
Ugu horayntii Qunsulka guud ayaa gaarsiiyey wasiirka salaan uu uga
waday dhigiisa soomaaliya mudane H.E Cabdulaahi Xaaji Xasan ,
Wasiirka ayaa qunsulka u balan qaaday in dowladda iyo shacabka YEMEN
ey si hagaagsan ula shaqayn doonaan qunsulka cusub kuna gacan siin
doonaan howlihiisa shaqo ee loo soo idmaday, tilmaamayna in
magacaabistiisu ay qaybka qaadan doonto xoojinta iyo sii horumarinta
xiriirka soojireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo labada dale ee
walaalaha ah .
Qunsulka ayaa kala hadlay wasiirka, arimaha maalmahanba la hadal
hayey ee ku saabsanaa ee la xiriirta in la xaraashayo maraakiibtii ay
lahayd dowlada Soomaaliya oo ku xiran dakada Caden , intaas ka dib
wasiirka ayaa u sheegay qunsulka guud in uu arinkaa kala hadlay
wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda dalka YEMEN kana codsaday in dib loo
dhigo xukunka maxkamada inta ay ka imaanayaan wafdi ka socda Xukuumada
ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena Qunsulka waxaa uu kala
hadlay wasiirka arimaha dibadda ee dalka YEMEN arimaha qaxootiga
SOOMAALIDA ah ee ku nool dalka YEMEN iyo sidii loo hagaajin lahaa
xaladooda nololeed.
Intaa ka dib qunsulka cusub ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka
maraakiibta daymaha ku sheeganaya isla markaana la meel dhigay in ay
muhiim tahay in dib loo dhigo xukunka maxkamadda ee maraakiibta
SOOMAALIDA inta ay ka imaanayaa wafida DFKG ka socda ee imaanaya dalka
YEMEN maalmaha fooda inagu soo haya .
Ugu danbeyntii waxaa la filayaa in Qunsuka cusub ee Soomaaliya
magaalada CADAN uu ka qayb gali doono xukunka maxkamada ee dhici doona
maalinta Talaadada ah ee taariikhdu tahay 03 July 2012 si uu ABIIL oga
qaato inta wafdiga ka socda DFKG ah uu ka imaanayo dalka Yemen.
Dhamaad
Fadlan fiiri sawirada lifaaqa ah.
KismaayoNews.com