Kn: Waxaa soo gabogaboobay shirkii IGAD u qabatay kooxaha siyaasadda Jubbooyinka, waxaa kasoo baxay qodobo kooban oo muhiim ah.
Koow waxaa la’isku waafaqay in la dhiso maamul goboleed loo dhanyahay oo lagu salaynayo qaab deegaaneed, maamulkaasi oo ay tahay in lasoo dhiso bisha august labaatankeeda ka hor, xiligaasi oo ah xiliga uu ku egyahay xiliga kumeelgaarka ah ee dowladda hadda jirta.
Waxaa la saaray guddi soo xula ergada dhismaha maamulka oo ka kooban 10 xubnood, iyada oo shanta kooxood ee ka qeybgashay shirka laga rabo min 2 xubnood oo gudiga kamid noqota.
KismaayoNews oo 12 saac kadib saxiixa heshiiskani isku dayday in ay uruuriso aragtiyada aqlabiyadda ah ee dadka ayaa shaacin karta in dadka intooda badan ay kuba qanacsanyihiin fikradda ah in wax uun la’isku waafaqo oo wax uun la sameeyo.
Dadka qaarkood ayaa iyaguna walwal culus ka qaba kooxaha loogu gacmo mudanyahay in ay maamul soo dhisaan sida qaarkood ay u matali karaan rabitaanka shacabka iyada oo aysan jirin wax xiriir ah oo ay shacabka la leeyihiin, dad kale ayaa farta ku fiiqay in ugu yaraan hal koox oo shirka ku jirta magac beel ay meesha ku tageen iyada oo ay jiraan beelo kale oo aanan xubno ku lahayn dhamaan kooxaha shirka ka qeybgalay kuwaasoo gobolka wax ka degen.
Dad siyaasadda u dhuunduleela iyagu waxa ay miisaanka saareen sida loo kala safyahay garabyada meesha jooga, waxay farta ku fiiqeen in garabka Raaskaanbooni iyo Ahlu Sunnah Waljamaaca ay isku saf yihiin, isagana dhowyihiin inta kale, halka Azania iyo Harti Group ay isku safyihiin, garabka DKMG ah ayaa isagu kala jaban, ahna kan labada dhinac ay kala jiidan doonaan, garabka dowladda ayaa u kala jaban madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, safka Kaambooni iyo Ahlu Sunnah waxa ay u dhowyihiin garabka madaxweynaha, halka kuwa kalana ay xigaan dhanka Ra’isulwasaaraha.
Si kala marka loo kala qaado safafkani labada ah, lagana reebo safka dowladda, saf ka mid ah waa mid hubeysan islamarkaasina ka taliya deegaano farobadan, shahaadana ku heysta la dagaalanka Alshabaab iyo sidii deegaanada looga saaray, halka safka kale ay yihiin siyaasiyiin afkooda wax ku goosta.
KismaayoNews.com