Maxamed Xassan Jeeri (Alloow kuu Raxmo)

Published: July 1, 2012

Kn: Waxaan kasoo tegay xafadeydii shibis sagaal saac oo galabnimo anigoo u degdegaya daawashada ciyaarta dhexmareysa kooxaha LLPP jeenyo iyo Madbacadda,garoonka konis stadium waa buux dhaafay halka ay barxadda garoonkana dhoobanyihiin baabuur yaryar iyo mootooyin,4-tii galabnimo ayay labada kooxood oo uu horkacayo garsoore faraqajaan ayna calan wadayaal u yihiin cantar iyo sheylilah garoonka soo galeen waxaana isgacan qaaday labada kabtan ee jeenyo shariif xamsa iyo kan madbacadda cabeey.

Garsoore faraqajaan ayaa firimbigiisii foorida dheeraa yeeriyay,dafdaf,weerar iyo weerar celis ka dib ayaa daqiiqadii 35aad gool caaqiibo leh uushabaqa jeenyo ku hubsaday muriidi abanuur abati kaasoo uu si xirfadeysan ugu salaxay laacibka lambarka 2aad ee weerarka ka ciyaara ee eenoow,sacab iyo sawaxan ka dib maxaa qabsaday madbacadda MBC !!

Daqiiqadii 43aad ayaa bulusyoon loo dhigay jeenyo waxaa sida biriqda goolhaye dhegey u dhaafsiiyay ciyaaryahanka nambarka 8-aad ee jeenyo yuusuf shaqaaq,halmar ayaa taageerayaashii jeenyo cagweyn sacab iyo sawaxan garoonka ku gilgileen kuwaasoo uu ka dhex muuqday oday maxamed xaayoow gaashaan-yare. !!

Xilligii kaambiyada kadib markii leysku soo laabtay ayey ciyaartooydii Jeenyo lasoo bexeen xirfadoodii taasoo keentay in goolkii labaad uu darbo bidix aheyd ku hubsaday maxamed Xaaji oo nambarka 10-aad u sitay LLPP Jeenyo kadibna difaac lugu uruuriyay naadigii madbacadda sidaana ay ciyaartii kusoo dhamaatay iyadoo tababare Giftin iyo kooxdiisii Madbacadda ay garoonka guul darro kala hulleeleen halka taagerayaashii Jeenyo cagweyn ay farxad daraadeed u firdhinayeen nanac iyo buskud ay usii diyaarsadeen kulankaa adag ee ay wada sugaayeen bahda isboortiga.

Taageerayaashii ispoorti kalama tegine waxaaa la sii wada aaday garoonka kubada kolayga ee Luujino, oo taageerayaal jibaysan Maqribnimadii buux dhaafiyeen Ciyaar aad u xiisa badan oo dhaxmaraysay Gabdhaha Kubadda Kolayga ee Horseed iyo Minashiibiyo oo ay garsoorayeen Garsoore Cabdi Calasow iyo Cismaan Maxamuud Xalane (Xarash).
Waxaa garoonka gilgilay sacab xooggan markii ay soo galeen Gabdhaha Minashiibiyo oo ay horkacayeen Xabiibo Qaran, Sahro xuseen iyo Falis Sidi, halka Gabadhaha Horseedna ay horkacaysay Xidigtii Sucaad, Naado iyo Zam Zam.
Harden dheer kadib waxay ku kala baxeen Minashiibiyo oo 43 keentay iyo Horseed oo 40-looga badiyay, waxaa xigay ciyaar kale oo ay isaga horyimaadeen Wiilasha Naadiga Badda oo ay horkacayeen, Sheekha, Nuuradiin, Mandaliif (Afjabay), iyadoo Naadiga Jenyo oo ay horkacayeen Baarajab, Cabadalla Dheere iyo Cabdi Xalwo.

Ciyaartaasi oo aad u kululayd ayaa waxaa garsooraayay Xasan Garre iyo cabdi salaad ciyaar kulul kadibna waxaa 64 ku badiyay jeenyo halka badda ay keensadeen 60 dhibcood,ku xusuuso isboortigii naadiyadda kubadda cagta horsed,shaash,iskood,jeylaani qaliif.cafiif iyo maxamed ismaaciil(sitey),jeenyo shaqaaq,shariif xamsa,qaloocow,akooko iyo siid xasan.

Naadigii badda joorje,diini,c/laahi cabdi(dheemanka)kamaaludiin.naadigii batroolkana Muqtaar cuti,deysane,senigaal,cabdalla quuq,naadigii wagad xasan yare,jimcaale xaayow,yaxye islow,iyo suufi yare,naadigii Madbacadda eenow,muriidi,nuur amiin,cabey iyo tababare devid oto oo ugandhees ahaa,nadigii manashiibiyo shiiqaalow,kamaal,nuur gaab,binshaakir,tabare jarles kuumi oo gaana u dhashay ,waxool ku xusuuso cambar iyo muxuyaddiin japan,iyana ha iloobin naadiyaddii sancadda iyo gaadiidka.

durbadiiba waxaan usii dhaqaaqnay hoolkii hotel jubba oo ay ka tumayeen kooxdii Dur-dur oo uu horkacayo ciise daahir,sahra dawo,maxamed axmed qoomaal,cabdinuur daljir,c/qaadir xuseen buunis,muqtaar iidi ramadaan halkaasoo ilaa iyo 9-saac oo habeenimo muusik heeso diiran iyo kuwo dabacsan lagu raaxeystay.

Dhanka kale xiliyadda qaar waxaa leysugu tagi jiray garoonkii teeniska dheer ee ku dhaganaa wasaaradii ispoortiga,oo haabeenkiina lagu ciyaari jiray waqtiya nasiibkii foomka la saxayay ee Cabdalla haus oo lagu guuleysan jiray hadiyado lacaged,u soo gudub shineemo Banaadir oo dhagan filimkii IL VIOLENSA ROMA BENE,halka irida cariiriga aheydna lagu gali jiray shuudkii AREY,.

Haka saarin Xusuustaada in Qamarjiyaashii Barxaddii Dhagax-tuur,SYL,yoobsan, ku dhacda,Buur-karoole iyo Ceelgaab caanka ku ahaa jeebsiibka,qamaarka Turubkii 3-da Xabbo ee Istaahil Jookerka,dhicida Qeybaha Dambe ee Baabuurta(Ciyaal Maaniko) isticmaalka maandooriyayaasha sida koolada,Xashiishka,Alkoholka iyo Calaqa oo inta badana ku Xirnaan jiray Xabsigii dhexe ee Biyamuundo iyo Sheela-moorto iney Maanta qeyb ka yihiin Xildhibaano,Saraakiil iyo Mas’uuliyiinta Dowlada Shariifka !!

Maxaad ka Xusuusataa Shinemoyinkii Xadramuud,Nasar,Afrika,Suber,Misione,Xamar,Shenteraale,Ekuatore,Ceel-gaab,& Tiyaatarkii Qaranka oo Banaankiisa uu ku dhegan yahay Boorkii Ruwaayadii XIDDIGTII IS XUJEYSAY ee Fikaddii Feeynuus Sheeq Daahir iyo Kooxdii Shareero oo uu Sawiray Farshaxankii Amiin Caamir.!!

Ma Xusuusataa Xeebta Liido oo Maalinta Jimcaha ah Soomaalida iyo Cadaanka jooga ay badan yihiin Ajaanibta iminka Labadaba ma tegi karaan!!

Bal Xusuuso Dugsiyadii Sare Saqaawadiin,Bartamaha,Sh.Xasan Barsame,Macalin Jaamac,Xamar,iyo Raage Ugaas ,Hoose/dhexe Kamaal,Naasir,Xaawo-Taako,8-da Maarso,Yaasiin Cusmaan,iyo kuwo Badan oo aan Iloobay Balse Adiga aad Xusuusan tahay Duruufaha Jira Aawgood!!
Waxaa Xusuustay: Maxamed Xassan Jeeri
Allaha u Naxariisto Maxamed Xassan jeeri , wuxuu ka mid ahaa qorayaashii ugu falka samaa ee wargayskii Muqdishotimes, inkastoo aan wax yaabo badan isku khilaaf sanayn hadana Jeeri waxaan shaki iiga jirin inuu ahaa Qof neceb dulmiga iyo is kala sarraysiinta , Jeeri Allaha u Naxariisto

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey
AMISOM oo Kismaayo lagu weeraray, waa markii koowaad
Shirweynihii waxbarashada oo Xamar ka furmey
Education will be the foundation of a new Somalia, Prime Minister says, opening a landmark National Education Conference in Mogadishu