Ciidamada huwanta ah ee ka taliya inta badan deegaanada Jubooykina ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyaan shaqaala samafalka ee laga afduubtey xerada qaxootiga Dhadhaab iyagoo badqaba. Shaqaalahan oo ahaa tira afar ah laba dumar ah iyo laba rag ah ayaa u shaqeynayay hay’adda Norwegian Refugee Council(NRC) samafalka ah ee ka hawlagala xerada qaxootiga Dhadhaab.
Dadka shaqaalaha ah ee laga soo afduubey xerada Dhadhaab waxaa lagu soo waramayaa iney soo afduubeen Afar nin oo hubeysan oo ka tirsan ururka Alshabaab waxaana markii goobtii lagaga soo furtey shaqaalaha lagu diley mid kamid ah afduubayaashii iyagoo qaarkalena gacanta lagu dhigey sida uu saxaafadda usheegey hoggaanka ciidamada TFG General Saxardiid.
Shaqaalihii hay’ada samafalka ee lasoo furtey ayaa lagu wareejiyey madaxa Raaskambooni Sheekh Axmed Madoobe oo kusugan magaalada Dhoobley laguna wado in isla maanta uu saxaafadda la hadlo shaqaalahii NRC oo badqabana soo wareejiyo.
Waa markii ugu horeysey ee ee dad afduubayaal ah laga dhigey dad samafayaal ah.