Kn: Dhawaan waxaan idiin soo gudbinay nuqulo ka mid ah heshiiskii ay saxiixeen garabyaddii siyaasadda ee Jubbooyinka ee Nairobi ku shirey, durbaba waxaa soo baxaya qodobo heshiiskaasi ku qarnaa oo ay adagtahay fulintooda maalmo uun kadib markii qalinka lagu duugey.
Mid ka mid ah qodobadan labada ah oo aanan laga fiirsanin maadaamaa fulintiisa ay kaliya ku xirneyn kuwa heshiiska ayaa waxaa soo baxaya hubanti la’aan ku saabsan fulintiisa.
Qodobkani ayaa ah in la dhoowro xuquuqda dadka laga tirada badanyahay ee sedexda gobol ku nool, laakiin lama sheegin illaalinta xuquuqdaasi waxa ay ka dhigantahay.
Maanta waxaa Xamar ku shirey siyaasiyiin iyo xildhibaano dadkaasi la sheegey kasoo jeedda kuwaasoo si gaar ah u magacaabay garabyada Kaambooni iyo Azania in aysan matalin goboladda Jubbooyinka, iyagoo dowladaha Kenya iyo Ethiopia ku eedeeyey in ay hubeynayaan jabhaddo.
Arrintani waxa ay hoosta ka xariiqaysaa in heshiiska aanan lagu darin in xuquuqda loo ogolaanayo ay marka tahay mid ay iyagu ogolyihiin, iyo tan ugu muhiimsan oo ah in marka horeba ay qeyb ka yihiin hanaanka geedi socodka maamul u samaynta goboladda Jubbooyinka.
Siyaasiyiinta hadlay waxaa ka mid ah wiil uu dhalay siyaasigii caanka ahaa ee Liiqliiqato kaasoo sheegey in booqasho gudoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya uu ku tagay Dhoobleey aysan ahayn mid sax ah, isagana uusan xaq u lahayn in uu halkaasi tago.
Qodobka kale ee heshiiska ku jirey ayaa waxa uu ahaa in garabyada heshiiska saxiixay ay joojiyaan wax alaale wixii dagaal afka iyo addinka ah oo dhexdooda ah, laakiin maalmo kadib heshiiska ma muuqato in qodobkaasi sida uu yahay loo fahmay, waxaana jirta in shakhsiyaad iyo warbaahin ku hadasha afka garabyada qaar ay ka socdaal weeraro xagga afka ah.
Dhanka kale maanta oo khamiis ah ayaa lagu balansanaa in garabyada ay gudbiyaan 8 xubnood oo noqonaya gudiga farsamadda ee ka shaqaynaya sidii horey wax loogu wadi lahaa, lama oga in la gudbiyey iyo in kale, waxaase la xaqiijiyey in gudiga aysan ku jiri doonin labbo saxiixayaal oo DKMG ah matalayay, kuwaasoo goobjooge ahaan u saxiixay heshiiska.
Shirka garabyada waxaa qabatay IGAD, lamana oga illaa heerka kormeer lagu hayo in ay fulaan qodobaddii lagu heshiisyey.
KismaayoNews.com