NSS-ta “15 jir Faransiiska ku hadla ayaan raadineynaa”

Published: July 5, 2012

Kn: Haddii aad doonaysid inaad ka shaqayso Nabad sugidda Soomaaliya waa inaad taqaanid Afka Faransiiska iyo Carabiga , waa in aadan ka yaran 15 sano kana waynayn 30 Jir , waa inaad Soomaali tahay ,dhamaystay Dugsi sare , waa inaad ku hadli kartid wax ka badan 2 lah jadood oo Soomaali ah iyo 3 luuqadood ii shisheeye , waa inaad xaqiijisaa inaad soomaali tahay , haddii aad shahaado jaamacadeed haysatid waxaa lagugu qaadanayaa Kabtan . Warkaas waxaan siduu yahay uga soo guuriyay baalka dawladda qaybta laanta nabad sugudda Soomaaliya.

Shuruudaha meesha ku qoran ma ahan kuwo uu qoray qof soomaali ah sidaan qabo, marka hore waxay ku qoran tahay Af qalaad , marka xiga waxaa shardiga ugu horeeya laga dhigay Af Faransiis iyo Af Carabi inaad taqaanid , taas micneheedu waxaad macluumaadka u gudbinaysaa saraakiil ku hadashada labadaas Af , waxaad ilaalinaysaa danta dadka Afka Faransiiska ku hadla waxaadna ka dhawrsaysaa dadka Af xiga leh.

Qofka jira 15 ilaa 30 waa dadka sida ugu sahlan loo duwi karo laguna fulin karo fal kasta oo aan soomaali dan u keenayn, waa da’a aya adagtahay haddii aysan horay u helin Tacliin Qaran ka fakaraya siyaasadda dhow iyo midda fog inay yihiin kuwii lagu fulin lahaa , dunida nabad sugida qofka doonaya inuu qorto waa inuusan ka yaraan 18 , dawladaha qaar 21 .

15 jirka soomaaliga ah ee ku hadli kara wax ka badan 3 luuqadood oo shisheeye ama Faransiisi iyo Carabi goormaa la baray yaase baray , meel ay ku bartaan iyo wakhti ay bartaan miyaa la siiyay , maal iyo maskax miyaa la galiyay kobcinta ubadka soomaaliyeed ee ay tahay in lagu fuliyo siyaasadaha dhaw iyo kuwa gof ee dalku lee yahay mayee waa la dayacay.

Intaan qorin qormadaan ayaan waydiiyay Sarkaal ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya waxay ula jeedaan waxa ay meesha ku qoreen iyo sida dadkaas loo heli karo , meesha laga heli karo , wuxuu iigu soo koobay Faransiiska ayaa naga caawinaya taba barka Ciidanka Nabad sugida .

Waxay ka mid tahay siraha culus ee Qaran leeyahay ciidanka Nabad sugida dadka ku jira , waxaa gaf wayn ah in dadka laga yaqaano , waxaase ka xun markaad mooryaan jidka taagan hubkii aad u sharciyayso wuxuu dilo iyo wuxuu dhaco laga dhigo danaha qaranka oo la dhawrayo . qofka shaqada noocaas ah uu qaran u dirsanayo waa qof qiimaynaya shacabka iyo sharafka dalka ee ma ahan mooryaan maryo loo galiyay dadkana lagu siidaayay .

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dowladda oo shirkad shisheeye u saxiixday dhul beereed
Press Release : Somalia government’s take on Banning UN Flights from Hargeysa and Berbera
Dowladda oo war kasoo saartay Somaliland oo joojisey duulimaadyada Qaramada Midoobey
IGAD oo Kismaayo ka laabatay
Cabaas oo laga direy Kismaayo