Dad degey Xamar oo qasan, oo ka guurey markii ay degtey

Published: July 6, 2012

Kn: Daafaha aduunka magaalada Xamar waxa ay ku caanbaxday meesha dhasha qaxootiga ugu badan maadaamaa malaayiinka qof ee Soomaalida ah ee dalka ka qaxay intooda badan ay sheegtaan in ay Xamar kasoo qaxeen.

Sidaasi oo ay tahay ayaa waxaa jirey dad aan Soomaali ahayn oo u qaxay Xamar si ay magangalyo oga doontaan, waxayna halkaasi degenaayeen intii badneyd labaatankii sanno ee uu dalka burbur ku jirey, balse maanta markii ay caasimadda degtay aya ka guurayaan.

Dadkani qaxootiga ah oo kasoo jeeda jasiiradda Zanzibar ayaa maanta markii ugu horeysay qoysas ka mid ah laga qaaday garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan, waxaana howshaasi fulisey hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR.

Qoysaskan oo gaarayay illaa afartan qoys ayaa haatan laga qaaday dhowr iyo tabon qoys, iyada oo inta hartayna la qaadayo.

Qoysaskani la qaaday waxa ay magaalada kala tagayaan darajo ay aad ugu baahantahay oo ah in ay tahay magaalo qaxootiga martigalisa si la mid sida ay qaxootiga u dhasho.

Taariikh ahaan Xamar iyo guud ahaanba Soomaaliya waxa ay 52dii sano ee lasoo dhaafay qaxootiga kaliya ee ay martigalin jireen waxa ay u badnaayeen kuwa kasoo jeeda qoowmiyadda Oromada ee kasoo baxsanayay xukuumadihii cadaadiska badnaa ee Ethiopia isaga dambeeyey.

Laakiin haddii aad weeydiiso qoraa caan oo reer Xamar ah oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Aroma afkaartiisa ku wajahan qaxootigani Oromada ah waxa uu kuu sheegayaa in naaneestiisa oo ahaan jirtey Oromo uu u badalay ereyga Ingiriiska ah ee Aroma (caraf), sababtuna ay tahay sida uu u necbeystey dad qoowmiyadani kasoo jeedda oo loo tiiro dilalkii qaarijinta ahaa ee caasimadda ka dhacay ee lagu diley dad badan oo horey Soomaaliya xil oga qabtay. Cabdiqaadir waxa uu arrintani ku qorey mid ka mid ah buugaagtiisa.

Zanzibaariyiinta intii ay degenaayeen caasimadda waxa ay qaban jireen hawlo farsamada gacanta ah oo badan, waxayna degenaayeen dhismihii wakaaadda biyaha halkaasoo dhawaan ay ka mid ahaayeen dad ay dowladda ka saartay, kadibna ay ku dhacday hor la’aan.

Taasi oo kaliya ma ahan sababta ay Xamar oga guurayaan, ee sidoo kale waxaa qeyb ka ah xasilooni siyaasadeed oo ka dhacday jasiiradaha la’isku yiraahdo Zanzibar ee dalka Tanzania kadib dowlad wadaag ah oo ay dhisteen xisbiga mucaaradka iyo xisbiga talada haya.

Dadka qaarkood oo aan wax ka weeydiiney sida ay u arkaan qaxootiga caasimadda ka guuraya ayaa sheegey in Xamar aysan u baahneyn qaxooti shisheeye balse ay u baahantahay safaarado shisheeye oo haatan lix oo kaliya ay ka joogaan, taasina ay tahay darajada kaliya ee caasimadda ka dhigi karta mid lagu badbaado ama lagu nabadgalo.

Waxa tusaale loosoo qaatay kumanaanka barokacayaasha ah eek u jira xerooyinka caasimadda ku yaala, kuwaasoo la sheegey in ay yihiin kuwa ay tahay in marka hore ay Soomaaliya maaro u hesho iyo xal waara ka hor inta aanan la martigalinin qaxooti kale.

Haatan dowladda Soomaaliya ma lahan wax qorshe ah oo ay ku qaabisho wax qaxooti ah, marka aad qodobkaasi weeydiiso saraakiisha socdaalkana waxa uu kuu eegayaan sidii adiga oo cirka kasoo dhacay oo kale.

Laakiin waxaa hubanti ah in ay in badan isu diyaarinayaan qaabilaada qaxooti badan oo Soomaali ah oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay maqleen in caasimadda ay yara degtey.

Zanzibar iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah, Boqorkii badmaaxa ahaa ee Zanzibar Suldaan Siciid Barqash ayay mar saldanidiisa ka talin jirtey Xamar, sawirka kor ka muuqdana waxa ay u badantahay in la qaaday xiliyadaasi.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Soomaalida oo cabasho geysey baarlamaanka K/Afrika + Video
Xamar oo Kismaayo kudd ooga soke maray
Waa ceynkee dareeska ciidanka cusub ee Jubbaland?
Dowladda oo sheegtey in aysan weerar ku qaadi doonin Kismaayo
Ethiopia oo ciidamo u direysa Somaliland