Kn: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka fureysa Kenya taasoo la xiriirta ceelal shidaal ah oo Kismaayo duleedkeeda ku yaala oo ay Kenya rusqadooda siisey shirkado shidaal oo laga leeyahay Faransiiska iyo Talyaaniga.
Dacwadani ayaa la geeynayaa Qaramadda Midoobey, sidaasi waxaa sheegey wasiir ku xigeenka tamarta Soomaaliya Cabdullaahi Doolaal.
Doolaal waxa uu sheegey in ceelashada ay shatigooda bixineyso Kenya ay ku yaalaan badda Soomaaliya, balse wakaaladda batroolka Kenya nin u hadlay oo lagu magacaabo Martin Haye ayaa yiri “In la yiraahdo ceelashani shidaalka Kenya ma lahan waxa ay la mid tahay in la yiri Kenya ma lahan dowlad adag, oo waa jamhuuriyad muuska oo kale u nugul”.
Hadalkani oo loo fasirtey hanjabaad Kenya ay jeedinayso ayaa waxa uu imanayaa xili ciidamo Kenya ka socda ay ku suganyihiin goboladda Jubbooyinka.
Kenya waxa ay qabtaa in xuduudeeda ay dhererantahay dhanka Koonfureed si janjeer ah, halka Soomaaliya ay qabto in xuduudu ay la simantahay halka ay labada dhul xuduuda la leeyihiin.
Shirkadaha ruqsadda la siiyey ayaa kala ah Total iyo Enni oo uu leeyahaya qaranka Talyaaniga oo ay xusid mudantahay in horey ay qandaraasyo shidaal qodis ah ola saxiixatay dowladdii Soomaaliya ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.
KismaayoNews.com